Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Caddami oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Xiingalool kana hadlay Shirkii Beeshiisa DAAWO/DHAGAYSO
Xiingalool 08.Sep 2014 (SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga ee Somaliland Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Wefti uu horkacayo ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyay Degmada Xiingalool bariga gobolka Sanaag.
Magaalada Xingalool oo doraad lagu soo afmeeray shirka dhaqanka Beesha Warsangali ee Guuleed labo kaasoo maalmo socday, Wasiiir Cadami oo saxafada la hadlay ayaa sheegay inuu u Kuurgali doono xaalada Badhan iyo Xingalool isla markasna wax ka qaban doonaan xaaladaha ka taagan halkaasi.
Waa markii 3-aad ee uu Wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami yimaado Degmada Xingalool ee Gobalka Sanaag.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO WARBIXINTA GAADHITAANKA WASIIR CADAMI EE XIINGALOOL
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Xiingalool(1).mp3″]
Xiingalool SDN/QJ
contact@qurbejoog.com