Xukuumada Somalia oo Albaabada u Xidhay Laba Idaacadood Xabsigana u Taxaabtay Weriyayaasheedii kadib markii ay ka hadleen Alshabaab
Muqdisho 07.Sep 2014 (SDN/QJ)- Xukuumada Madaxweyne xasan Sheekh ayaa sare uqaaday caburinta uu ku saxaafadda madaxa banaan ee ka howlgasho magaalada Muqdisho.
Idaacadaha Shabelle iyo SKY News ayaa muddo ka badan bil albaabadu u xiranyihiin iyadoona wariyaal iyo mas’uuliyiintii idaacadahaasi xabsiga Godka Jilacoow ku xiranyihiin.
Khaliif Ereg oo ku magacaaban wasiirka arrimaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa isku dayaya in uu afka qabto saxaafadda kadib markii uu ku fashilmay sugidda ammaanka Muqdisho.
Go’aan isbuucii lasoo dhaafay kasoo baxay hay’adda Nabad sugidda isku magacaawday ayaa amar lagusiiyay saxxaafadda madaxa banaan in aysan baahin karin codka mas’uuliyiinta Shabaabul Mujaahidiin tallaabadaasi oo ay ka caga jiideen intabadan warbaahinta madaxa banaan.
Idaacadda Simba oo xalay baahisay kalimad uu jeediyay Sheekh Cali dheere ayaa albaaba loo laabay,mid kamida howlwadeenada idaacadda ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo wajiyad soo xirtay ay gudaha ugaleen idaacadda ayna amar ku bixiyeen in hawada laga saaro FM-ta.
Sidoo kale idaacad xarunteedu tahay guriga hooyooyinka ayay xireen ciidamada Naba sugidda waloow aan la ogeyn inta ay idaacadaasi sii xirnaan karto.
Radio Kulmiye ayaa albaabada loo laabay iyadoona maamulka idaacadda loola dhaqaaqay dhanka xabsiga Godka Jilacoow,magaalada Muqdisho waxaa ka socda caburis kii ugu darnaa abid oo ay lakulanto saxaafadda Soomaaliya,inkastoo wararkii u danbeeyay ay Sheegayaan in Idaacada Kulmiye ay hawada dib ugu soo noqotay.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com