Deegaanada Somalida Oo Si Weyn Looga Hadalhayo Geerida Godane
Muqdisho:Sep,07,2014(SDN/QJ)-Tan iyo intii uu Maraykanku sida rasmiga ah ugu dhawaaqay inay dileen Hoggaamiyihii Ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, waxa dadka somalida ah dhexdooda ka bilaabmay Dood iyo muran la xidhiidha xaqiijinta warkaas, intooda badanina waxay muujinayeen inaanu run ahayn.
Haddaba markii habeenkii xalay ururka Al-shabab ay sida rasmiga ah u qirteen inuu Godane geeriyooday, waxa is beddelay jawigii sheekadaasi ku socotay oo waddo kale martay.
Goobaha Bulshada ay isugu timaado ee Magaalooyinka Waaweyn ee somalidu degto, isla-markaana Gudaha Dalka ku Yaal, ayaa si hoose dadka ay ugu sheekeysanayaan dilka Hogaamiyihii Ururka Al Shabaab Axmed Godane, inkastoo ay jirto cabsi ka jirta Magaalooyinka qaar sida Muqdisho oo kale oo aanay dadku si cad uga Hadli Karin dila hoggaamiyahaas.
Dadka qaarkood ayaa sheegaya in dilka ninkaasi yahay wax lagu farxo, iyagoo ku sababaynaya inuu dhibaato badan ka geystay dhulka somalidu degto iyo meelo kale oo caalamka ku yaalla.
Dadka Odorosa arimaha ciidamada, waxa ay leeyihiin dilka Axmed Cabdi Godane saameyn sidaasi uweyn kuma yeelanayso jiritaanka Al Shabaab iyo dagaalada ay ka wadaan dalka Soomaaliya, maadaama ciidamadii Shabaab u dagaalamayay ay weli joogaan, kaliyana ay meesha ka baxday hogaanimadii Godane.
Dadka kale oo soomaali ah ayaa iyagu sheegaya inaanay mudnayn in maanta lagu farxo qof somaliyeed oo muslim ah oo dal shisheeye oo waliba aan diinta islaamka haysanini ku dilay ciidiisii hooyo, isla-markaana ay taasi muujinayso karaamo dhac iyo haybad-xumo ku timi somalinimada.
Xoogaga Shabaab oo markii ugu horeysay todobaad kadib qirtay in la khaarijiyay Hogaamiyihii Ururkooda Axmed Godane, ayaa durba magacaabay Hogaamiye kale oo cusub kaasi oo noqonaya Hogaanka siiwadi doona howshii uu ka tagay Axmed Godane.
Dowladaha reer Galbeedka iyo Dowladda Soomaaliya ayaa si iskumid ah usoo dhaweeyay dilka loo geystay Hogaamiyihii Ururka Shabaab Axmed Godane oo duqeyn dhanka cirka ah Mareykanka ay la eegteen, xilli uu la socday kolonyo gaadiid ah inta udhaxeysa Dhaaytubaako iyo Haawaay ee Gobalka Shabeellaha hoose.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com