|

Budhcad-Badeed Somaliyeed Oo Dirqi Lagaga Riday Markab ay Isku dayeen Inay Afduubtaan

Tehran:Sep,07,2014(SDN/QJ)-Iska horimaad Hubaysan ayaa Xeebaha Badweynta Inida ku dhex maray Budhcad-badeed soomaaliyeed iyo Ciidamo U dhashay iran oo  kamid ah Ilaalada Badaha Caalamiga ah.

BUDHCADDBudhcadda somalida ayaa rabtay inay afduubtaan Markab Marayey Goobo ka baxsan Biyaha Somalia, halkaas oo ay iska heleen Ciidanka ilaalada ka ah Badaha caalamiga ah.

Wakaalada wararka dowlada Iran ayaa baahisay in markabka Iran uu budhcad badeeda kula dagaalamay biyaha Bab El-Mendeb oo u dhaxeeya gacanta Cadan iyo Yemen.

Iran waxay sheegtay in kooxaha weerarka ku qaaday markabka ay ka koobnaayeen 12 ruux oo dooni watay, laakiin markabka ayaa la sheegay inay badbaadiyeen ciidamada la dagaalanka budhcad badeeda Soomaalida.

Todobaadkii lasoo dhaafay afar kamid ah maraakiibta dowlada Iran ayaa la kulmay weeraro kaga imanayay kooxaha budhcad badeeda Soomaaliya, laakiin weerarada ay geysanayaan budhcad badeeda ayaa sii yaraanaya sanadihii lasoo dhaafay.

Ciidamada dowlada Iran ayaa sheegay inay sidoo kale ay taageero ka heleen ciidamada la dagaalanka budhcad badeeda Soomaaliya ee ku sugan meelaha ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed