Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Ka Hadlay Tabashada Mucaaridka ee Diiwaangelinta Muwaadinka Qurbejoog ka DAAWO
Hargaysa 07.Sep 2014 (SDN/QJ)-Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa ka hadlay Diwaan Galinta Muwaadiniinta oo asxaabta mucaaradku Dhaliileen,kuwaas oo ku sheegay in ay xukuumada doonayso in ay Wakhtiga Ku rido Diwaan galinta Muwaadiniinta.
Cali Maxamed warancade oo Shir Jaraa’idn ku qabtay Magaalada Hargasya ayaa waxa uu Nasiib Daro ku tilmaamay hadalkaas kasoo yeedhay asxaabta mucaaradka isaga oo barbar dhigay,Hadalada ay ka yidhaaheeh Diwaan galinta Siyaasiyiinta Dawlada Somaliya.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo ugu horayn ka hadlaya Diwaan galinta Muwaadiniinta Siday Qofka dhalasha ahaan kasoo jeeda Somaliland muhiim ugu tahay ayaa waxa uu yidhi”“Diwaan Galinta kaadhka Dhalashadu waxa uu cadaynayaa in ay somaliland iyo somaliya kala yihiin lab dal oo Jaar ah,Markii hore waxa aynu haysan jirnay Taysaradii somaliya oo macnaheedu yahay in ay ku abtirsano somaliya,Maantana hadii aynu ka gonay somaliya waxa aynu qaadanaynaa Kii ahaa dhalashada somaliland,Kaadhka Dhalashadu Qofka haysta waxa uu siinayaa xaq aanay lahayn dadka ajihanibka ahi.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com