|

Ma aaminsan tahay in Daawo Cusub loo helay Cudurka Ebola

Nairobi 07.Sep 2014 (SDN/QJ)-Dawo cusub ayaa loo soo saaray cudurka Ebola oo lagu tijaabiyay ilaa 18 daanyeero ah, dhammaan daanyeeradan ayaa qabay cudurka Ebola, waxaana la sheegay in ay dhamaantood bogsadeen.

ebolaTani waxa ay abuuraysaa rejo wanaagsan oo ah in markan la hayo daawo boqolkiiba boqol lagu dawayn karo dadka qaba cudurka Ebola oo adduunka oo dhan gilgilay.

Aqoonyahanada cilmiga Sayniska waxa ay sheegeen in dawadani oo lagu magacaabo Zmapp in ay tahay mid boqolkiiba boqol ay hubaal tahay in ay cudurka dawo u tahay.

Caadi ahaan marka dawo la tijaabinayo waxaa lagu tijaabiyaa xayawaanka, gaar ahaan kuwa bani’aadamka u dhow xagga heer kulka jidhka, dhiigga iyo Habdhismeedka uur-ku-jirta.Kadib markaasa dadka lagu tijaabiyaa.

Nairobi SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed