|

Agaasimaha cusub ee maaraynta bay’ada ayaa kulan la qaatay shaqaalaha xafiiska

Muqdisho Sept 06,2014(SDN/QJ)-Agaasimaha  Cusub ee Maaraynta Bay’ada Amb. Maxamud C. X. Xaashi ayaa kulan is barasho ah la qaatay shaqaalaha xafiiska Bay’ada, kulankaan ayaa shaqaaluhu warbixin ka siiyeen Agaasimaha waxyaalaha u qabsoomay iyo qorshayaasha u dagan labada sano ee soo socota.

 

Shaqaalaha ayaa sheegay in dib u dhac ay kala kulmeen is jiid-jiidka u dhaxeeya labadii sano ee ugu danbayey wasaaradaha, oo wasaarad kasta ay sheeganaysay in Maareynta Bay’ada ay hoos timaado.

 

Shaqaalihii ka hadlay goobta ayaa ku  ku amaanay Ra’iisul Wasaaraha go’aankiisa uu ku magacaabay Agaasimaha cusub oo hoos imaanaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyo mudnaanta uu siinaayo Bay’ada sidii loo ilaalin lahaa. Iyagoona ku tilmaamay go’aanka uu qaatay Ra’iisul Wasaaruhu uu qayb ka yahay siyaasada dowladda oo ku wajahan ilaalinta bay’ada, iyo ka hortaga xaalufinta dhirta

 

Agaasimaha cusub ee deegaanka Amb. Xaashi ayaa balan qaaday inuu wax weyn ka badalaya sidii looga hortagi lahaa xaalufinta deegaanka, diyaarinayana barnaamijyo dadka lagu wacyi galinayo in ay ilaaliyaan deegaanka, si jiilka soo koraya ay u helaan nolol wanaagsan ugana fa’iidaystaan kheyraadka dabiiciga ah ee dalkooda.

 

“Siyaasadaha lagu wajahayo ilaalinta deegaanka sanada 2015 waxaa kamid  ah, in la sameeyo siyaasad cad oo lagu xakamaynayo ka hortaga xaalufinta Bay’ada, in dib loo soo nooleeyo qaabkii lagu celin jiray bacaadka oo deegaano badan oo beero ahaa hada ay u muuqdaan kuwo bacaadku ku fiday, in la soo afmeero wasakhda lagu shubayo barriga iyo biyaha Soomaaliya, ka hortagida in la nabaad guuriyo xayawaanka badda ku hoos nool iyo  in laga hortago gubida iyo ka ganacsiga dhuxusha oo saamayn balaaran ku yeelatay deegaanka” ayuu yiri Amb. Xaashi

 

Gabagabadii kulanka ayaa shaqaalahu  qeexeen in nabad galyo xumida ka jirta gobolada qaar ay saamayn ku yeelatay nabaad guurka ka jira qaybo badan oo kamid ah dalka, waxayna aad u soo dhaweyeen kana muujiyeeen rajo wanaagsan  qaabka cusub ee loo wajahayo maaraynta Bay’ada, taas oo ugu danbayntii yeelatay hal meel oo laga maamulo.

Madaxa wacyi galinta iyo xriirka dadweynaha

Xafiiska Maaraynta Bay’ada

Muqdisho, Soomaaliya

Comments are closed