|

Maraykanka Oo Daad-gureeyey Somali ku Dhibaataysnayd Jasiiradda Malta

Valleta:Sep,06,2014(SDN/QJ)-Qaar kamid ah soomaalida sida tahriibka ah ku gashay jasiirrada Malta oo dhibaatooyin badani halkaas ku haysteen ayaa loo qaaday dhinaca dalka Maraykanka.

aomHey’adda Dadka Muhaajiriinta qaabilsan ee loo yaqaan (IOM)ayaa Dhalinyaraddan Soomaaliyeed ka dhoofisay Garoonka,kadib markii ay Sanooyin nolol xumo kala kulmeen Dalka Malta oo dhaqaalihiisa dhulka galay.

Soomaalida la guray ayaa muddo dheer ku noolaa Halkaas, waxana ay in badan Cabashadooda u gudbiyeen Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha, kuwaas oo aakhirkii jawaabtoodu dhaqan gashay.

Somalidan ayaa la dejin doonaa Gobollada dadka madowga ah ku nool yihiin ee Dalka Maraykanka, waxana ay malt aka amba baxeen iyagoo faraxsan.

Soomaali badan ayaa ku dhibaataysan dalka Malta, kuwaas oo aan ka mid  noqon dadka Haatan la qaaday oo  tiradoodu kor u dhaafayso boqol, waxana loo ballanqaaday in  wakhti kadib hawshooda la geli dooono, isla-markaana la guri doono.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed