|

Haddii Godane Dhintay Yaa ka mid ah Ragga Jagadiisa u Loollamaya?

Barawe:Sep,06,2014(SDN/QJ)-Inkastoo  warar maraykanka iyo Dawladda Somalia soo saareen Warar sheegayaa inay dileen Hoggaamiyihii Ururuka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, haddana wali lama Hayo caddaymo arrintaas si toos ah u muujinaya.

shabaaabHaddaba Haddiiba ay dhabawdo in Hoggaamiyahaasi dhintay, waxa dadka badankiisu isweydiinayaan cidda ururkaas hoggaamin doonto isaga dabadii.

Waxa dadka wax faalleeya, isla-markaanau dhuundaloola arrimaha ururka Al-shabaab, ayaa carrabaabay ragga noqon kara cidda Beddesha Hoggaamiyaha Geerida lagu sheegay.

Khubarada qaarkood, ayaa sheegaya in Bedelka Godane Noqon doono Nin lagu magacaabo Axmed Dheere oo caan ka ah Xarakada dhexdeeda.

Axmed Dheere, waxa uu hore ugu magacownaa ku-xigeenka Hoggaamiyaha la sheegay inuu geeriyooday ee Godane.  Sidoo kale, Axmed Dheere waxa uu ahaan jiray Wakiilka Al-Shabaab ee Gobollada Bay iyo Bakool, oo kooxdaas iminka laga saaray.

Waxaa la sheegayaa in Axmed Dheere uu ilmo-habreed la yahay Godane, kana soo jeedo beesha Isaaq, islamarkaana uu si aad ah ugu dhowaa ka hor inta aan geeridiisa maraykanku sheegan.

Dadka xilka raba ayaa waxaa sidoo kale ku jira nin lagu magacaabo Axmed Diiriye, oo xubnaha kooxda qaarkood ay taageersan yihiin. Axmed Diiriye ayaa kasoo jeeda beesha Dir, gaar ahaan Faqi Muxumud, waxaana uu ka mid yahay xubnaha ugu mayalka adag Shabaab.

Warar goor dambe nasoo gaadhey ayaa iyana sheegaya in loolanka xilka uu kusoo biiray Mahad Karataay, oo u dhashay beesha Ceyr ee Habar-Gidir. Waxaa ninka taageerayaa inta badan xubnaha Shabaab ee Hawiye kasoo jeeda.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in durba loolan xooggan uu Shabaab ka dhex billowday, ayana u muuqato in dhimashada Godane ay kooxdaasi oo markii horeba kala tagtay, ay sii kala qeybsami doonto.

Axmed Cabdi godane ayaa muddo dheer kooxda kusoo maamulay Gacan bir ah, waxana uu dhisay nidaam adag oo kooxdaas ka dhigay mid isku xidhan oo fulisay Hawlo midho dhalay oo qaarkood u tallaabeen xuduudda Somalia, isla-markaana khasaare gaadhsiiyey  dalal kale.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed