|

Hanbalyo Qaraarka Ardaaga Gaashaanbuur ee Midaysan Wa Alf Mabruuk Murshaxnimada Aqoontahan Mohames Khadar Mogeh

Hanbalyo & Bogaad
Waxan Hanbalyo iyo Bogaadin aan u Gudbinayaa Ardaaga Gaashaanbuur ee Beesha Da’uud Garxajis ( Cidagale ) ee Maanta oo Taariikhdu ahayd 05/09/2014 Ku Iclaamiyey Murashaxooda Doorashada Golaha Wakiilada ee Sannadka 2015 ka Haddii Illaahay Idmo.Ardaaga oo Xilkaa u soo Xulay  Aqoonyahan Mohamed Khadar Dahir Mogeh, Maanta lagu Caleemo Saaray Kulan Ballaadhan oo si Qurux Badaan loo soo Agaasimay oo ay ka soo Qayb Galeen Cuqaashii Ardaaga, Aqoonyahankii, Ganacsatadii, Waxgaradkii iyo Dhalinyaradii Ardaaga. 
Waxan Halkan si Gaar ah ugu Xusay Qaraarka iyo Aragtida Mideysan ee Ardaaga Gaashaanbuur  uu ku Mideeyey Cududiisa, Kuna Magacaabay Murashaxa Aqoonyahanka Mohaned Khadar Dahir Mogeh Ali.
Sidoo Kale Waxan Ku Guubaabinayaa, Waxan si Adag u Farayaa Dhammaan Ardaayada Kale ee Beelaha Da’uud Garxajis ( Cidagale ) in ay Masal iyo Miisaal ka Dhigtaam Qaraarka Mideysan ee Ku´Dayashada leh ee Ardaaga Gaashaanbuur uu Cidagale u Horseeday Maanta.
PICT0139
Murashaxa Ardaaga Aqoonyahan Mohamed Khadar Dahir Mid baan Faray, Adeer Maanta ayaad Qabsatay Tubtii Hoggaannimada iyo Madaxnimada, Illaahay ha kugu Simee. Waxana kuu Gartay oo Kugu Garab Galay Tolkaa oo Kalsooni Kuu Muujiyey, Waxan Adeer ku Farayaa Tolkaa iyo Qarankaba Cadaalad ugu Adeeg,Magacii iyo Mansabkii Illaahay Haw Naxariisto Aabbahaa Mujtamaca Somaliland iyo Dalka uu ku lahaana Ha Kaa Muuqato Mar wal iyo Meel kasta oo aad Joogtidba.
Hanbalyo Qaraarka Ardaaga Gaashaanbuur ee Midaysan Wa Alf Mabruuk Murshaxnimada Aqoontahan Mohames Khadar Mogeh.
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Ludvika  Sweden

Comments are closed