Maayarrada Deegaanada Somaliland Oo Madaxweynaha La Yeeshay Kulan ay Kaga Ashkatoonayaan Wasiir Waran-cadde
Hargeysa:Sep,06,2014(SDN/QJ)-Maayarrada Golayaasha Deegaanka ee Somaliland, ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin la qaatay madaxweyne Siilaanyo, iyadoo kulankaasna uu Goob-joog ka ahaa qabanqaabadiisana lahaa wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi cali Xaaji Xasan.
Kulankan ayaa sida ay ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Qurbejoog.com u jeeddadiisu ahayd ashkato maayarrada Dalku ka sideen wasiirka arrimaha Gudaha cali Maxamed Waran-cadde, taas oo ay ku diidanayeen Dikreetadii uu dhawaan golayaasha deegaanka ugu fasaxay inay Kal fadhi xilalka maayarrada lagaga qaadi karo yeelan karaan.
Wararka ayaa intaas ku daray in maayarradu ay dacwo ka qabeen wasiir waran-cadde, isla-markaana ay madaxweynaha ka codsadeen inuu farogeliyo tallaabada uu wasiiku ku sheegay in maayarrada dalka Kuraastooda la hungurayn karo, taasoo si weyn ay warwar uga qabana maayarradu.
Wasiirka madaxtooyada oo isagu kulankan lug weyn ku lahaa, ayaa la sheegayaa inuu madaxweynaha ku dhiirrigeliyey inuu farogelin ku sameeyo dekreetadaas, si meesha looga saaro in Buuq iyo muran la dhex dhigo Golayaasha deegaanka oo uu sheegay in haatan shaqadoodu si habsami ah u socoto.
Madaweynaha ayaa la sheegay inaanu Maayarrada u carrabaabin talaabada uu qaadi doono, balse kaliya uu u sheegay in tabashadooda la eegi doono, isagoo muujiyey inay Maayarradu doonayaan xuquuq aanay lahayn oo awooddooda iyo sharciyadooddaba dibadda ka ah.
Dhinaca kale Xubanaha Golayaasha deegaanka ee Maayarradani ka yimaaddeen ayaa ka warhelay kulankan sida qarsoodiga ah loola galay madaxweynaha, waxana qaarkood ay shirar hoose ku lahaayeen deegaanada laga soo doorto si ay tallaabo midaysan uga yeeshaan isku dayga noocaas oo kale ah.
Wasiirka arrimaha Gudaha cali Maxamed Waran-cadde oo isaga Go’aankiisa maayarradu ku muddici ahaayeen, ayaan la garan Karin talaabada uu qaadi doono, waxase wali la is weydiinayaan sababta uu xirsi u farogeliyey shaqada wasiirka arrimaha Gudaha ee uu kulankan usoo abaabulay.
SDN/QJ