|

Dawlada Ukraine iyo Jebhadii hubeysneyd eek a soo horjeeday oo heshiis Ruushku ka shqeeyay wada sexeeday iyo reer Galbeedka oo shaki ku soo dhaweeyay

Minsk Sept 06,2014(SDN/QJ)-Dawlada Ukraine oo dhwrkii bilood ee u danbeeyay dagaal ba’an oo lagu hoobtay kula jirtay dagaalyahano taagero ka helayay dalka Ruush ayaa heshiis xabad joojin ah ka aqbalay dalka Ruushka.

Heshiiska oo lagu kala sexeexday dalka Belarus ayaa waxa uu suurtogelinayaa xabad joojin ka hirgasha dBariga dalkaa.

Sidoo kale waxa dhinacyada heshiiska wadaqaatay ay isweydaarsan doonaan maxaabiista waxaaney hay’adaha gargaarka u ogolaan doonaan in ay ka hawlgalaan bariga dalkaasi.

Dawladaha reer Galbeedka oo ku shirayay Wales si ay goaan mideysan uga qaataan Ruushka ayaa heshiiskan xalay la kala sexeexday ku soo dhaweeyay shaki.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in heshiiskan ay tahay in la tijaabiyo inta aan la soo dhaweyn.

Sidoo kale dawlada Jarmalka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in cunaqabateynta Ruushka la dul dhigay ay saaraato inta xabad joojinta ay isu rogeyso nabad waarta.

SDN/QJ-Minsk

contact@qurbejoog.com

Comments are closed