Madaxweynaha Puntland oo booqday xarun lagu xanaaneeyo dadka Cudurka dhimirka qaba
Garoowe Sept 05,2014(SDN/QJ)-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Xanaanaynta Dadka qaba Cudurka Dhimirka ee Nasrullah oo ku taala Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland.
Maamulka iyo Howlwadeenada Xaruntaasi ayaa Madaxwayne Gaas Halkaasi ku soo dhaweeyay iyagoona uga warbixiyay xaalada dadka dhimirka ka xanuunsan ee halkaasi lagu xanaaneeyo ,waxana ay uga mahadceliyeen Madaxwaynaha booqashadu uu ku tagay halkaasi.
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa mudadii uu ku sugnaa Gudaha Xaruntaasi La kulmay dadka dhimirka la’a isagoona dhamaan kala sheekaystay Xaaladooda,sidookale waxa uu booqday Qololkooda Jiifka iyo Goobihii loogu talagalay in ay ku cunteeyaan.
‘’Dhakhaatiirtu Howl adag ayay Wadanka ka hayaan laakiin waxaan jeclaan lahaa kuna boorinayaa in wakhti gaar ah galiyaan Dadka qaba xanuunka dhimirka,gaar ahaan Dhakhaatirta takhasuska ku ah Xanuunada Dhimirka ‘’Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.
Shacabka Puntland ayuu Madaxawayne Gaas waxa uu ugu baaqay in ay ka qayb qaatan kaalmaynta Dadkaan,isagoona kula dardaarmay inaysan dhibaatayn balse ay ku dadaalan xanaanayntooda,waxana uu dhankiisa balan qaaday in uu gacan wayn ka gaysanayo sidii wax loogu qaban lahaa.
Daawo sawiradda.