Hanjabaadii Ururka Al-qaacida Oo Dhalisay In Hindiya Ciidanka Heegan Sare Geliso
Delhi:Sep,05,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Hindiya ayaa heegankii sare gelisay ciidankeeda ammaanka saacado kadib markii ururka Al-qaacida shaaciyey inay Xafiisyo ka furteen Dalkaasi.
Talaabada amaanka lagu adkeynayo ayaa looga jawaabayaa hanjabaadii ka timid kooxda Al Qacida oo sheegtay inay balaadhin doonto dhaq dhaqaaqii ay ka waday dalkaasi, isla-markaana ay awooddeeda saari doonto sidii jihaadka looga hirgelin lahaa Goobo Hindiya ka mid tahay.
Hogaamiyaha Al Qacida Ayaman Zawahiri ayaa cajalad muuqaal ah oo uu shaaciyey ku sheegay inay doonayaan inay dar dar gelin doonaan dagaalka ay kala soo horjeedaan dowlada India.
Qaar kamid ah Culumaa’udiinka Muslimiinta India ayaa iska fogeeyey hanjabaada Al Qacida iyagoo sheegay in kooxdaasi aanay matelin isla markaana aanay dooneyn inay wax xidhiidh ah la yeeshaan.
Dalka India ayey ku nool yihiin Muslimiin ka badan 200 milyan, iyadoo ay jiraan xiisado u dhaxeeya muslimiinta iyo Hinduuga u badan dalkaasi oo ka dhaca qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn, balse dagaalada iyo weerarada hubeysan ayaa intooda badan ka dhaca gobalka Khashmiir oo ay isku heystaan dalalka Pakistan iyo India.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com