Geerida Hoggaamiye Axmed Godane Oo Lagu Shaaciyey Twitter-ka Al-shabaab
Barawe:Sep,05,2014(SDN/QJ)-Qaar kamid ah Warbaahinta ugu caansan Caalamka ayaa Baahiyey in la hayo warar sheegaya in Bogga Twitter-ka Al-shabaab lagu qoray Geerida Hoggaamiyahoodii Axmed Cabdi Godane oo dhawaan Duqaymo Maraykanku Fuliyey Lala badhtilmaameedsaday.
Wakaalladda Wararka ee Reuters ayaa maanta baahisay in ilo ku dhowdhow Dowladda Maraykanka shaaciyeen in Twitter Afka Carabiga lagu qoro oo Alshabaab u gaarka ah baahiyey inuu geeriyooday Amiirka Alshabaab.
Wakaalladdu waxay ka soo xigatay ilahaas sheegeen inaanay weli xaqiijin karin in duqeyntaasi lagu dilay Amiirka Alshabaab, inkastoo aan Hoggaamiyahaasi meel fagaare ah lagu arkin tan iyo markii ay Droneska Maraykanka ay Gantaalladda Laysarka lagu hago la beegsadeen Kolonyo gaadiid ah oo uu Amiirka Alshabaab iyo Saraakiil kale la socdeen.
Wakaalladda REUTERS, waxay kaloo ilaha Maraykanka ka soo xigatay inaanu Amiirka Alshabaab ka soo muuqanin Warbaahinta ay Bulshadda ku xidhiidhaan iyo Warbaahinadda kale si uu u xaqiijiyo inuu weli nool yahay,sida ay Saraakiil ka tirsan Alshabaab oo ka badbaaday duqeymaha Maraykanka sheegeen inay weli nool yihiin.
Dhinaca kale, Agaasimaha Machadka Barashadda Siyaasadda ee Heritage ee magaalladda Muqdisho, Abdi Aynta ayaa sheegay haddii la xaqiijiyo inuu Amiirka Alshabaab geeriyooday inay taasi Alshabaab ku noqonayso ciyaarta oo siyaabo kala duwan loo beddelayo.
Khabiir u dhashay dalka Norway oo magacaabo Stig Jarle Hansen oo qoray Buugga Jihaadistayaasha Afrika ayaa u sheegay REUTERS haddii la xaqiijiyo geeridda Amiirka Alshabaab inay taasi Kooxda ku adkaan doonto si ay u doortaan Hoggaamiye cusub.
“Haddii Godane uu haatan geeriyooday, waxay taasi khatar ku tahay Alshabaab, gaar ahaan dhinaca Nidaamka Doorashadda Hoggaamiyaha ee Ururkaasi”ayuu yidhi Stig Jarle Hansen, Mas’uuliyiinta Alshabaab weli kama hadlin haddii uu Amiirkooda nool yahay iyo in kale.
Mukhtaar C/ramaan Abu Zubeyr Axmed Cabdi Godane oo la rumeysan yahay inuu da’da 40-aadka ku jiro waxa uu dabayaaqadii sannadihii 90-aadkii wax ku soo bartay dalka Pakistan, ka hor inta aanu u gudbin Afganistan.
Sannadkii 2008-dii, Hoggaamiyihii Aadan Xaashi Cayrow ayaa lagu dilay duqeyn ay Maraykanka ka geysteen Goballadda Dhexe, waxana taasi ay keentay in kooxdu yeelato hoggaamiyahan haatan oo dardar cusub ku abuuray kumanaan da’yar ah oo kooxdu ka keentay meelo kala duwan oo caalamka ah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com