|

Xukuumada Somaliland oo Jawaab ka Bixisay in Hay’ado caalami ahi Jeelasha Mushahar ku siiyaan Maxaabiista dilka ku xukuman

Hargaysa 05.Sep 2014 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay sababaha fulin la’aanta Kiisaska Maxaabiista dilka Maxkamaduhu ku xukumaan, isla umarkaana waxay jawaab ka bixisay eedaymo arrintan la xidhiidha oo la sheego inay jiraan Hay’ado caalami ah iyo dalal Shisheeye oo dhaqaale ku bixiya inaan la fulin xukunnada dilka ah ee Maxkamadaha Somaliland ka soo baxa iyo inay jiraan Maxaabiis badan oo dil ku xukuman oo dhawr iyo tabankii sano ee u dambeeyey ka buuxa Jeelasha.

Wasiirka Cadaalada iyo MandheeraWaxay Xukuumaddu ku doodday inaanay jirin faro-gelin shisheeye oo si toosa u hor-taagan fulinta xukunnada dilka ah, hase ahaatee ay yar yihiin kiisaska heerka kamada-dambaysta ah gaadhay ay yar yihiin, kuwaasna la fulin doono. Waxaana sidaa sheegay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Garsoorka Somaliland Xuseen Axmed Caydiid oo Waqrgeyska Himilo Waraysi gaar ah la yeeshay, waxaanu ka warbixiyey halka ay marayaan hawlihii dib-u-habaynta Caddaaladdu, isagoo intaas ku daray inay bilaabeen fulinta go’aammadii ka soo baxay Shirweynahii dib-u-habaynta caddaaladda sannadkii 2011 Madaxweynaha Somaliland furay.

Waxa uu ku dooday Wasiir Xuseen Axmed Caydiid ku dooday in muddadii ay Xukuumadda Madaxweyne talada haysay wax badan laga qabtay Caddaaladda iyo Habaynta Hay’adaha Garsoorka dalka, maaddaama oo ballan-qaadkii Ololaha ee KULMIYE ay ku jirtay wax-ka-qabashada iyo dib-u-habaynta Caddaaladda dalka.

“Hawlaha dib-u-habaynta Caddaaladda marar kala duwan, ayaan ka hadlay halka ay marayaan, badhtamihii sannadkii 2011 ayey ahayd markii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka furay Hargeysa Shirweynahii dib-u-habaynta caddaaladda, oo dhab ahaan kaalinta koowaad kaga jiray ballan-qaadyadii Xisbiga KULMIYE wakhtigii doorashooyinka, lix bilood ka dibna (2012) dhaqan-gelintiisii ayaa bilaabmay oo waxa loo dhisay qaabkii lagu fulin lahaa sida; Guddida Hoggaaminta Dib-u-Habaynta Caddaaladda, Guddi-Hawleedyada Ollogaysan iyo Unugga Farsamo ee Taakulaynta Qorshaha Dib-u-habaynta Caddaaladda iyo weliba Guddiga Caalamiga ee La-Talinta.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Caddaaladda Somaliland oo ka jawaabayey su’aal ugu horreyn Weriyaha Himilo ka weydiiyey arrimaha dib-u-habaynta Caddaaladda iyo Garsoorku halka ay wakhtigan marayaan.

Waxaanu Wasiirka oo jawaabta su’aashaas uu ka bixiyey sii wataa yidhi; “Illaa wakhtigan dhinacyada aqoon-kordhinta, agabka iyo kaabayaasha ayaa socda. Saddexdii sannadood ee u dambeeyey waxaannu Hay’adaha Bahda Caddaaladda u tabobbareyney Dhallinyaro Jaamacadaha ka soo baxay, isla markaana dhallinyarada sannadkan la tabobbarayo dhammaantood (sida kooxdii la tabobbaray 2012) laga hawlgelin doono Maxkamadaha, dhawaanna qolyo kale oo shaandhada dib-u-habayntu reebto la arki doono.”

Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo Weriye Maxamuud Walaaleye oo Wargeyska Himilo ka tirsan Wareysigan gaarka ah Xafiiskiisa xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa kula yeeshay ayaa sheegay inay gaadhayaan illaa labaatameeyo kiisaska dilka ah ee Xukunkoodu kama-dambays noqday, balse aanay weli jirin ama midh iyo dhif yihiin dad kala soo xidhiidhay Xeer-ilaalinta oo ah Hay’addii dhinaca dhibbaneyaasha uga Wakiilka ahayd dacwadaha, sidii loogu fulin lahaa Xukunnada ka dib marka dacwaduhu gaadhaan heerka kama-dambaysta ah. “Makaa haddii ciddii dhaxalka lahayd aan si rasmi ah looga helin in xukunka dilka ah loo fuliyo, in ay mag ka qaadanayaan iyo in ay cafiyayaamba, cid kale oo awood u leh in ay xukunkaa fulisaa ma jirto.” ayuu yidhi Wasiirka Caddaaladdu.

Mar la weydiiyey Wasiirka sababta gacan-ku-dhiiglayaal Boqollaal ku dhow oo xukunno dil ahi ku dhaceen loogu fulin-waayey, loo arko dhaleecayn Xukuumadda kaga timaadda Ururrada caalamka iyo waddamo kale uga hakanayso waxa uu ka leeyahay? Iyo fikrado dadka qaarkood ka haystaan in mushaharooyin lagu siiyo Jeelasha gacan-ku-dhiiglayaasha dilalka ku xukuman, waxa ka jira, ayuu ku jawaabay; “Horta boqollaal maaha umana dhowa. Balse kiisasaasi qaarba heer bay nidaamka garsoorka ka marayaan. Illaa labaatameeyo kiis oo dil ah ayaa kama-dambays noqday. Inta dacwaduhu socdaan dad badan oo dhinaca dhibbanayeaasha ah ayaa beddela mawqifkoodii ay ka taagnaayeen dacwadda, taasina waxay yaraysaa fulintii dilka.”

“Dhinaca lacagta, waxba kama jiraan, cidbaa idinku dhaleecaynaysana Hay’adaha shaqada lihi waajibkooda ugama joogsanayaan.  Waa dhab in caalamka meelo badan looga ololeeyo beddelaadda ciqaabta dilka ah. Laakiin, sharcigeennu wuu jideeyey Ciqaabta dilka ah, cid waxa sharcigu jideeyey wax aan ahayn innagu khasbi kartaana ma jirto.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Xuseen Axmed Caydiid oo sii waday jawaabta uu su’aash kor lagu weydiiyey ka bixiyey.

Sidoo kale, Wasiirka Caddaaladda Somaliland oo la weydiiyey inay jiraan eedaysanayaal dembiyo argaggixiso ugu xidhan Jeelasha dalka iyo waxa ay tahay Siyaasadda Xukuumadda dhammaadka xukunkoodu ma in la sii deynayaa mise in la dilo iyo waxay Shuruucda Somaliland kaga duwan tahay ta Maamul-goboleedka yare e Puntland oo ciddii dembi argaggixisannimo gasha xukun dil ah ku fuliya, waxaanu ku jawaabay; “Siyaasadda Xukuumaddu waa in ay fuliso xukuunnada Maxkamadaha; waxii ciqaab ah ee Maxkamaduhu qofka ku xukumaan ee kama dambays noqda waa lagu fulinayaa. Shuruucda falalka argagxiso way kala duwan yihiin iyo kuwa dil ku geysta waxa loo adeegsado. Immika Xeer argagxiso ayeynu samaysannay, Golaha Wasiirrada wuu ka gudbay, tusaale ahaan markuu qofku diyaarsanayo qalab qarxa, markuu timir, teneg, xidhmooyin kabriiddo ah, masaabiir markaad midba gaarkii u haysato dembi maaha, balse markaad isu-keento ama tabobbar aad u qaadato ama internetka macluumaad arrintaa la xidhiidha aad kala baxdo, waxa muuqanaysa inaad maaggan tahay in wax qarxa la samaynayo. Haddaan falalka qaraxa ka horreeya la xaaraantimayn, markuu qaraxu dhaco ayaad or-orodaysaa. Qofku intuu diyaargaroobayo haddaad qabato dembigu isagana wuu ka yaraanayaa, bulshadiina waad badbaadisay.”

Gebogabadii Waraysigan oo Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka Somaliland lagu weydiiyey fikiraddiisa sida eedeysanayaasha falalka argagxiso u xidhan uga badbaadi lahayd bulshada markay ciqaabtooda dhamaystaan wuxuu ku jawaabay; “Ninka wax dila ee Magta laga qaato waa in la sii daayo, weliba iyadoo ay inta badan xadhig uu kaga waantoobo in uu falkaa ku noqdo lagu xukumo. Qofna laba jeer looma ciqaabo dembi oo sharcigu ma oggola. Qofka intuu Xabsiga ku jiro waa in dhaqankiisa wax laga beddelo oo xirfado la baro, kii tusaale ahaa xirfad la’aan wax u qaad-qaadi jirey, markuu soo baxo ku shaqeyso.”

Waxaanu Wasiirku ku soo gebo-gababeeyey Jawaabtiisa oo uu yidhi; “Hadduu kiis argagxiso ku jiray waa in aynu isku deyno inaan maskaxiyan ku soo celinno hab-dhaqankii suubbanaa oo isagoo muddada xadhiggiisa wax iska soo beddeleen uu ku soo noqdo bulshada, taasoo ah masuuliyadda Ciidanka Asluubta iyo Wasaaradda Caddaaladda oo ku gacan-siinaysa. Haddii loo arko in Maxbuus markuu xadhigga dhammaysto uu weli bulshada khatar ku yahay, ilaalin guud ayaa bannaan in la saaro. Sharcigu wuxuu dhigayaa in qofka hab-dhaqankiisu wanaagsanaado xabsi-dhimis abaalamarin ahaan loo siiyo; Maxbuusku dedaal ayuu u galaa Xabsi dhimista.”

Xigasho Wargeyska Himilo.

 

Comments are closed