|

Dhaqaale Xumo daran oo Kenya Soo Wajahday una Suuro gelin Weyday inay Qaxoonti danbe Somalia ku Celiyaan

Nairobi 05.Sep 2014 (SDN/QJ)- Dowlada Kenya ayaa caqabad adag kala kulantay dhaqaalo yaraan kasoo wajahday dib usoo celinta qaxootiga Soomaliyeed ee ku sugan dalka Kenya, sida Qaramada Midoobay ay shaacisay.

 

Dowlada Kenya ayaa la sheegay inay u baahneyd 8.8 billion oo lacagta Kenya si loogu qarash gareeyo dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed si ay usoo gaaraan dalka Soomaaliya.
Dowlada Kenya , Soomaaliya iyo hayada Qaxootiga QM ee UNCHR ayaa in badan beesha caalamka ka raadinayay dhaqaale ka caawiyo soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed, waxaana qaxootigaasi inka badan 20 sano ay ku nool yihiin xerooyin ku yaala dalka Kenya.
Gudoomiyaha waaxda arimaha qaxootiga Haarun Komen ayaa sheegay in jawaabta ay ka sugayaan dadka deeq bixiyaasha ah ay tahay mid wali ay filayaan, si dadkaasi dib loogu soo celiyo.
“Waxaan u malaynayaa in dareenka deeq bixiyaasha caalamka ay diirada sareen qilaafyada meelo caalamka ka mid ah sida Iraaq iyo Syria halkaasi oo baahida bini’adanimo ugu daran ay ka jirto, laakiin waxaan rajeynaynaa in Qaxootiga Kenya aysan iloobi doonin”ayuu yiri Mr Harun.
Todobaadkii lasoo dhaafay UNCHR ayaa isugu yeertay kulan ka dhacay Caasimada Ethiopia dadka deeq bixiyaasha ah taasi oo ku aadan inay xooga saaraan qaxootiga ku nool dalka Kenya sidii dib loogu soo celin lahaa.
Qaxootiga hadda doonaya inay dalkooda kusoo laabtaan ayaa lagu sheegay inay gaarayaan 5000 oo ruux kuwaasi oo laga kala diiwaan geliyay xeryaha Kaakuma iyo dhadhaab.
Nairobi SDN/QJ
contact@qurbejoog.com

Comments are closed