Ciidamada Huwanta Oo Saaka Hiirtii Weeraray Deegaano Ku Yaalla Shabellaha Hoose Iyo Dagaallo Halkaas Ka Socda
Buula-madheedh:Aug,30,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Huwanta oo iskugu jira Kuwa Dawladda Federalka iyo kuwa AMISOM, ayaa saaka salaaddii hore weerar ku ekeeyey Deegaano ku yaalla Gobolka Shabeelaha Hoose oo shabaabku gacanta ku hayeen.
Dagaalka ayaa ka qarxay inta u dhaxaysa Deegaanada Golweyn iyo Buullo-madheedh, waxana Deryanka madaafiicda iyo Hubka Culculus ee la isku ganayo laga maqlayey deegaanada ku xeeran Goobta weerarku ka dhacay.
Weerarka ayaa Bilowday Saaka Salaadii subax ka dib waxaana Dagaalka qaaday Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur “Siidii” oo la hadalay VOA ayaa sheegay in Ciidamada iskaashanaya ay la wareegeen Golweyn oo hada ay qarka u saaran yihiin Magaalada Buula-madheedh ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Siidii ayaa sheegay in ay Al-shabaab Dagaalka Jab loogu geystay oo Maleeshiyaad farabadan Dagaalka Saaka looga dilay,dhankooda ma sheegin wax khasaaraa oo soo gaadhay.
Dadka Deegaanka ayaa sheegay in ay Arkeen Ciidamadii ugu badnaa ee iskugu jira AMISOM iyo kuwa Dowladda oo kuwaas oo Dagaalka qeyb ka ah.
Dagaalka saaka la qaaday ayaa qeyb ka ah Weerarka loogu magac daray Indian Occean ee ay hore u qorsheeyeen AMISOM in Al-shabaab lagaga saaro goobaha wali gacantooda ku Hadhsan, waxana Ilaa iyo Haatan ciidamadu gacanta kusoo dhigeen Dhul Ballaadhan oo Al-shabaab ka talin jirtey.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com