|

Sixir-barar Laxaad Leh Oo Ku Yimi Qiimaha Sonkorta Kenya

Nairobi:Aug,30,2014(SDN/QJ)-Waxa  si weyn Kor ugu kacay Qiimaha lagu iibsado Sonkorta Dalka Kenya taariikhda markii ugu horraysay.

sonkorKabdadda  sokorta ama  50k, ayaa waxa uu toddobaadkan Gaadhay 4000 ilaa iyo 45000 halka uu hore ka ahaa 3,450.

Sare u kaca ku yimid qiimaha sokorta dalka ayaa waxa ay waaxyaha sokorta u aaneeyeen laamaha kala duwan ee dowlada oo dadaal u galay ka hortagida sokonrtii dalka sida sharci darada ah ku soo gali jirtay .

Dhanka kale beeralayda qasabka dalka ayaa waxa ay dhankooda dalbanayaan in qiimaha qasabka lagu iibiyo la kordhiyo maadaama sokonrta uu qiimaheeda kordhay.

Dowlada ayaa qaadday tilaabooyiin ay kaga hortagayso sokorta sida sharci darada ah ku soo gasha dalka taasi oo jabin jirtay qiimaha sonkorta dalka laga soo saaro.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed