|

R.W Cabdiweli iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho, August 29, 2014(SDN/QJ)— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne kale.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo faah-faahin ka bixiyay socdaalkiisa ayaa sheegay in uu ka qeyb galay shirar muhiim u ah Soomaaliya, isla markaana looga hadlayay arrimaha Qaxootiga Soomaaliya oo kasoo qeyb galeen dalalka ay daganyihiin Qaxootiga Somalidu, waxana uu sidoo kale xusay in uu booqasho taariikhi ah ku tagay xeryaha qaxootiga Dhadhaab oo hoy u ah Qaxootiga ugu badan caalamka.

“Waxaan magaalada Addis Ababa uga qeyb galnay shir ballaaran oo looga hadlayay arrimaha Qaxootiga oo ay kasoo qayb galeen wadamada marti galiyey qaxootiga Soomaaliyeed, waxayna noo balan qaadeen in ay dalalkooda kusii nagaan doonaan qaxootigu inta waqtigu saamaxayo in si iskood ah dalkood ugu noqdaan”.

“Waxaan booqday Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab, waxaan u kuurgalnay xaaladdaha ay ku suganyihiin dadkeennu, runtii waxaan halkaas kusoo aragnay dad ay ka go’antahay in ay dalkooda kusoo laabtaan dadkoodana wax la qabsadaan”.

Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia in uu sidoo kale uga qeyb galay shir ay yeesheen dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD oo looga hadlay sidii lagu joojin lahaa colaadda dabada-dheeraatay ee ka taagan Koonfurta Sudan, kuwaas oo u dhexeeya madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas iyo madaxweynaha dalkaas Salva Kiir.

SDN/QH-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed