Somali Haystay Dhalashada Dalka Maraykanka, Kana Tirsanaa Kooxda Daacish Oo Lagu Dilay Dalka Syria
Damascas:Aug,29,2014(SDN/QJ)-Dagaallada ay kooxaha islaamiyiinta Daacish ka wadaan Dalalka Syria iyo Ciraaq, ayaa waxa ku dhintay Qofkii labaad ee Haysta Dhalashada dalka Maraykanka oo ahaa Wiil somaliyeed.
Telifishanka KSMP ee magaalada Minneapolis ayaa ninkaasi magaciisa ku sheegay Cabdiraxman Muxumed oo muddo dheer kusoo noolaa dalka maraykanka.
Telifishanka oo soo xiganaya ilo wareedyo ayaa sheegay in Cabdiraxmaan lagu dilay isla goobtii uu ku dhintay Douglas McCain, oo ahaa 33-jir Maraykan ah oo isna ka tagay agagaarka Minneapolis kuna biiray kooxda ISIS.
Wararka dhimasha ninkan Soomaali Maraykanka ah ayaa lagu baahiyay baraha bulshada, saraakiisha amniga Maraykankuna waxay sheegayaan inay wararkaasi arkeen, balse aanay xaqiijin karin wali inuu run yahay iyo in kale.
Sanadihii dambe, waxaa soo badanayay dhallinyarada Soomaalida ee ku soo barbaartay dalalka Yurub iyo Ameerika oo ku biiraya dagaalyahannada Islaamiyiinta ee ka dagaallanta, dalalka Syria iyo Iraaq, kuwaasi intoo badan lagu laayo halkaasi.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com