WasiiradaArrimaha Dibedda iyo Guddaha Somaliland oo safar aan hore loo shaacin ku tegey Adis Ababa iyo waxa uu daaran yahay
Hargeysa Aug 29,2014(SDN/QJ)-Wasiiraka Arrimaha Dibedda Maxamed Yonis Biixi iyo Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Md Cali Warancade ayaa waxa ay shalay gelinkii danbe u anba baxeen safar aan hore loo shaacin oo ay ku tegeen dalka Itoobiya.
Safarkan ayaa ah mid aan hore loo sii shaacin isla markaana ay wasiiradu si deg dega uGu anbo baxeen dalka Itoobiya.
Safarka labada wasiir ayaa ku soo beegmaya ka dib kolkii maalinimadii shalay dagaal Itoobiya la isula galay uu ka dhacay degaanka Saaxdheer oo kulaala xadka dalkaasi.
Dagaalka ayaa waxa uu dhex maray ciidamo ka amar qaata maamul uu Siyaasi Cali Khaliif kaga dhawaaqay dhawaan degaankaas iyo ciidamada Somaliland.
Cali Khaliif iyo koox kale oo siyaasiyiin ah oo uu Saaxdheer isugu geeyay ayaa u baxsaday dhanka degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya kolkii ay ciidamada Somaliland.
Ma cada in safarka labada Wasiir ee Arrimaha dibedda iyo Guddaha Somaliland ee dalka Itoobiya uu ku saabsan yahay colaada Saaxdheer iyo in kale.
SDN/QJ-Hargeysa