Cali Khaliif Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Jabkii Shalay Gaadhay, Faahfaahinna Ka Bixiyey Sababta Maamulkiisa Loo Weeraray
Togga-eerigo:Aug,29,2014(SDN/QJ)-Cali Khaliif Galaydh ayaa isagoo ku sugan Deegaanka Togga Eerigo oo gudaha Ethiopia ku taalla ayaa ka Hadlay Weerarka Somaliland maalintii shalay ku qaadday Deegaanka Saax-dheer ooh ore fadhi ugu ahayd Cali Khaliif.
Cali Khaliif oo dhawaan loo doortay Madaxweynaha Maamulka Khaatumo ayaa sheegay in sababta dagaalkan loogu qaaday ay salka ku Hayso somalinimada ay Kooxdiisu doonayso inay Wakiil ka ahaato.
Cali Khaliif oo u warramayey Idaacadda VOA-du, waxa sheegay in Kaliya waxa lagu Haystaa ay tahay Mabda’a somaliweyn, isagoo Arrintaas Eedeedeena dusha ka saaray Hoggaanka sare ee Somaliland, isla-markaana ka leexiyey shacabka reer somaliland
“Waxay dadku eedeen oo yaab leh waxa weeye waar dad Somali ah ayaanu nahay xuquuq baanu leenahay adduunku ogyahay oo ay u taagan tahay xukuumadda xamar waxa dadka lagu xidhayaa waa ha shirina ha tashanina mamaul aad leedihiina ha samaysanina waar caddaawaddan qayaxan waxanu u aragnaa in shacabka Somaliland aanay ka iman ee ay Maamulkooda Kali ku tahay.” Ayuu yidhi Cali Khaliif.
Cali Khaliif waxa uu sheegay in Maamulka uu samaynayaa doonayo inay nabad kula noolaadaan Deriskooda, isla-markaana ay aaminsan yihiin inaan shacabkooda cidi ku khasbi Karin inay raacaan cid aanay isku aragti ahay, waxana uu yidhi,
“Anagu nadbad baanu rabnaa waxanu rabnaa inaanu nabad kula noolaaano mamullada deriska nala ah, cid odhaynasa waa idin qasbaynaa oo waa idin xukumaynaana diidnay baanu leenahay.”
Cali Khaliif oo dhawaan markii uu noqday Madaxweynaha Khaatumo iska casilay Xubin-nimadii Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Somalia, ayaa sheegay inuu isku dayi doono sidii dib ugu midayn lahaa deegaanada uu maamulkiisu sheegto oo intooda badani gacanta ugu jiraan Dhinaca Somaliland.
Ciidanka qaranka Somaliland ayaa maalintii shalay si kedis ah weerar ugu qaaday deeganka saax-dheer oo qiyaastii 70-Km dhinaca K/Bari kaga Beegan Magaalada Laascaanood, waxanaa Halkaas Ka caymaday Hoggaankii Kooxda KHaatumo oo uu hormood u yahay cali Khaliif. Waxana ay Haatan ku sugan yihiin Gudaha dalka Ethiopia, lamana garanayo tallaabada tan xigta ee ay qaadi doonaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com