|

Dagaal Qadhaadh Oo Ka Dhex Dillaacay Dawladda Federalka iyo Mid kamid ah Beelaha Gobolka Banaadir

Muqdisho:Aug,15,2014(SDN/QJ)-Dagaal Beeleed ilaa shalay ka socday Gudaha caasimadda Muqdisho ayaa sii Ballaadhay, iyadoo khasaarihiisuna Oodaha jabsaday.

tiliDagaalkan ayaa u dhexeeya Beesha Daa’uud(abgaal), iyo Xukuumadda xasan sheikh, waxana wararku sheegayaan in Xukuumadda uu kasoo gaadhay khasaare Badani, iyadoo markii dambe adeegsatay Cududa Ciidanka AMISOM oo iyaga qudhooda la sheegay in Khasaare Gaadhay.

Dagaalkan oo ka dhacay Degmada Wada-jir ee Gobolka Banaadir, ayaa la sheegayaa inuu salka ku Hayo muran ka dhashay siyaasiyiin iyo xildhibaanno ka tirsan Beesha Daa’uud oo la isku dayey in Hub ay Haystaan laga qaado.

Waxgaradka Beesha Daa’uud ayaa isla gartay inaan la aqbalin hubka dhigista ay xukuumaddu ku Hayso Beeshooda, isla-markaana nin waliba uu ilaashado hubka Gacantiisa ku jira ee uu Haysto, taas oo keentay in dagaal toos ahi ka dhex bilaabmo xukuumadda iyo Beesha.

Khasaaraha ayaa aad u ballaadhay, waxana jira dhimasho iyo Dhaawac tiro badan, iyadoo ciidanka Amisom oo dagaalka galay qudhooda la sheegayo inuu khasaare Gaadhay.

Xildhibaano tiro badan oo beeshan ka  mid ah, dagaalkana ka hadlay ayaa sheegay in dawladdu si gaar ah u badhtilmaameedsanayso Beeshooda, isla-markaana ay Difaaci doonaan naftooda iyo Maalkoodaba.

Lama garanayo sababta keentay inay dawladdii sii waddo dagaalkan khasaaraha dhalin karo, waxase uu sheegay wasiir Ereg in aan la joojin doonin ilaa Hubka gacanta shacabka ku jira xukuumadda lagu soo wareejin doono.

Dagaalka ayaan wali istaagin, waxan dusha ka eegaya dagaalka Beelweynta Guud ee Abgaal oo iyada lafteedu doonaysa inay Dagaalka gasho haddii laga xoog roonaado  Beesha daa’uud ee Haatan dagaalka ku jirta.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed