|

Qoddobo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Ka Naxday Oo Laga Soo Saaray Shir-Doceed Mayalweynta Beelaha Habar-magaado Ku Yeelatay Hutel Ambassador

Hargeysa:Aug,15,2014(SDN/QJ)-Kulankii ugu Ballaadhnaa ee ay isku arkaan Waxgaradka Beelaha Habar-magaado, ayaa Maalintii shalay lagu qabtay Huteel  Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

mayaKulankan oo ahaa mid qado ah, isla-markaana la isku baranayey la iskuna xog waraysanayey, ayaa waxa Abaabulkiisa lahaa Beesha Suber Awal, iyadoo lagu casuuumay Waxgaradka Beelweynta Garxajis oo ka mid ah Beelaha Habar-magaado.

Salaadiin, Cuqaal, Xildhibaano, Aqoon yahanno iyo Haldoor kale oo ka kala Socda dhinacyada Beelaha GARXAJIS Iyo SUBEER AWAL Ayaa madashaasi Isku Arkay Kaftan hadalo duur xul iyo dardaaran ubadana Waa laysku Weydaar saday.

Xubnihii Labadda Dhinacba ka socday Ee Shirkaasi Ka Hadlay ayaa inta badan Khudbadahooda Diiradda ku saaray Xaalada siyaasadeed Ee Dalka Oo ay Saluug ba’an Ka muujiyeen iyo sidii xidhiidh qoto dheer labadda beelood uyeelan lahayeen iyo Weliba alabari iyo talo ay yeelan Doonaan afarta ardaa ee ku bahoobay HABAR-MAGAADO.

Masuuliyiinti hadalka isaga Kala dambeeyay ayaa Si isku Mid ah carabka ugu adkeeyay in Xaaladda Somaliland xiligan meel Halis ah Marayso loona baahan Yahay in Dalka la badbaadiyo  iyagoo xukumadda Taladda dalka haysana ku tilmaamay mid shacbigeeda iridihii aduunyadda kasoo Ooday kuna guuldaraysatay Siyaasadii habsami socodka iyo Horumarka ee Xukuumadihii hore dalka Ku Hagi Jireen.

Waxanay Si weyn udhaliileen siyaasadaha Arimaha Dibadda Iyo Gudaha iyagoona Xusay inay xukumaddu lug ku leedahay Kooxo nabadda iyo qaranimadda Somaliland Dhaawacaya oo maamulo ka samaynaya gudaha dalka kuwaaso qayb ka ah mashruuc bay Yidhaahdeen Dawlada Maraykanku soo Siisay Madaxweynaha Dawlada Maqaar saarka ah ee ka dhisan Xamar.

Geesta kale kulankan ayaa Layskula qaatay in la sameeyo Gudi ka shaqaysa arimaha Xoojinta xidhiidhka iyo Siyaasadda Ee Beelaha HABAR-MAGAADO Waxana fikir kadib loo balamay in kulan kan ka balaadhan Ardaayada Habarmagaado yeeshaan Laguna doorto gudidi Beelahaasi.

Waa kulankii ugu ballaadhnaa ee xubno ka socda Beelaha Habar-magaado iskugu yimaaddaan, waxana arrintan warwar weyn ka qaba xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo si weyn ula socota dhaqdhaqaaqa Beelahani ka wadaan Somaliland iyo hannaanka ay iskugu baaqayaan.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed