|

Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo Digniin u Diray Saxaafada iyo Cidii Dacaayadaysa Garsoorka oo uu Sheegay inuu Madax Banaani Buuxda Haysto {DHAGAYSO}

Hargaysa 14.Aug 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil oo maanta ka hadlay kulan dib loogu Eegayey ku dhaqanka Xeerka Anshaxa iyo Anshax marinta Garsoorayaasha iyo Xeer ilaaliyayaasha oo ka dhacay Hotel Guuleed ayaa sheegay Garsoorka Somaliland in uu Madax banaan yahay isla markaana ay Hay’addaha kale ee Fulinta iyo sharci dajintu ku Ixtiraamaan Madax banaanidooda.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Yuusuf waxa uu sheegay Garsoorku in aanay u habranayn dadka Saxaafadda ka dacaayadeeya, waxaanu sheegay inay ku adag yihiin Xeerka iyo shuruucda ay dadka ku kala xukumaan iyo Go’aamadda ay ka soo saaraan.

 

Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil waxa uu sheegay inay Garsoorku Ixtiraamayaan Madax banaanida Saxaafadda, hase yeeshee wixii Geh ah ee ay qalinka ku galaan aanay u haysan inay ku helaan Xuquuq ka badan ta muwaadiniinta, isagoo ku hanjabay in aanay dheg u dhigayn dadka cadaalad darrada wada ee Warbaahinta kula dagaalamaya Garsoorka.

 

Yuusuf Ismaaciil waxa uu sheegay Xukuumadda Somaliland in ay tahay Xukuumad wax-qabad oo muujisay Dedaal ka badan intii laga filayey marka loo Eego muddada ay jirtay, waxaanu soo dhaweeyey Go’aankii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku amray in lagu horumariyo laguna Dayactiro Garsoorka iyo xarumihiisa.

 Waxaanu Halkan Idiinku soo Gudbinaynaa Khudbadii Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Ku Xigeenkiisu ka Jeediyeen Kulankaas

GUJI HALKAN OO KA DHAGAYSO HADALKA GUDOOMIYAHA MAXKAMADA SARE IYO KU XIGEENKIISA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/GudoomiyeMaxkamadaSare14.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed