|

“Garsoorku Wuu ka Madax banaan yahay Xukuumada,Saxaafaduna Wixii ay Khalad gasho Muwaadiniinta ayay ula siman yihiin” Gudoomiyaha Maxkamada Sare

Hargaysa 14.Aug 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil oo maanta ka hadlay kulan dib loogu Eegayey ku dhaqanka Xeerka Anshaxa iyo Anshax marinta Garsoorayaasha iyo Xeer ilaaliyayaasha oo ka dhacay Hotel Guuleed ayaa sheegay Garsoorka Somaliland in uu Madax banaan yahay isla markaana ay Hay’addaha kale ee Fulinta iyo sharci dajintu ku Ixtiraamaan Madax banaanidooda.

 

Gudoomiyaha Maxkamada Sare SAX IYO OKGuddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Yuusuf waxa uu sheegay Garsoorku in aanay u habranayn dadka Saxaafadda ka dacaayadeeya, waxaanu sheegay inay ku adag yihiin Xeerka iyo shuruucda ay dadka ku kala xukumaan iyo Go’aamadda ay ka soo saaraan.

 

Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil waxa uu sheegay inay Garsoorku Ixtiraamayaan Madax banaanida Saxaafadda, hase yeeshee wixii Geh ah ee ay qalinka ku galaan aanay u haysan inay ku helaan Xuquuq ka badan ta muwaadiniinta, isagoo ku hanjabay in aanay dheg u dhigayn dadka cadaalad darrada wada ee Warbaahinta kula dagaalamaya Garsoorka.

 

Yuusuf Ismaaciil waxa uu sheegay Xukuumadda Somaliland in ay tahay Xukuumad wax-qabad oo muujisay Dedaal ka badan intii laga filayey marka loo Eego muddada ay jirtay, waxaanu soo dhaweeyey Go’aankii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku amray in lagu horumariyo laguna Dayactiro Garsoorka iyo xarumihiisa.

 

Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil waxa uu si weyn u amaanay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo uu sheegay in uu booqday Maxkamadaha Hoose ee Gobolka Maroodi-jeex isla markaana amray in dayactir, Qalabayn iyo dhismaha Dayrkoodaba la bilaabo, waxaanu xusay Wasiir Samaale in uu ka mudan yahay Bahda Garsoorka Amaan, maadaama oo uu tixgelin siiyey codsigoodii isagoo Magaca Xukuumadda Somaliland huwan.

 

Yuusuf Ismaaciil waxa uu bahda Garsoorka ugu baaqay inay Dadweynaha ay Cadaaladda u hayaan ugu hagar baxaan shaqo fiicni iyo in ay Daboolaaan cabashooyinka ka soo baxa Xilka ay aQaranka u hayaan, isagoo soo dhaweeyey qoddobo laga akhriyey madasha oo ay Bahda Garsoorku ku soo bandhigeen dhaliilahooda, waxaanu ku dar-daaray qof kasta oo Garsoore ah ama Gar-naq gacanta ku hayaa in uu saxo dhaliishiisa, qirtana wax aka khaldan si uu isu hagaajiyo.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed