|

War Deg Deg ah:Cali Khaliif Oo Loo Doortay Madaxtinimada Kooxda Khaatumo

Saax-dheer:Aug,14,2014(SDN/QJ)-Shirka ka socda Miyiga Deegaanka Saax-dheer ee Gobolka Sool, ayaa haatan lagu doortay Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh inuu Noqdo Madaxweynaha Maamulka Khaatumo oo Halkaas dagaallo dhuumasho ah kaga Haysa Somaliland.

doorashada cali khaliifShirweynaha oo ayaamahan socday ayaa u jeeddadiisu ahayd in kooxda dibad-wareegga ahi ay doorato madaxweyne, maadaama uu  dhamaaday xilligii hore loo doortay madaxweynihii wakhtigiisu dhamaaday ee maxamed Yuusuf indha-sheel.

Madaxweyne-nimada haatan ee Kooxda Hubaysan, ayaa waxa ku tartamayey Madaxweynihii hore ee Indha-sheel iyo Xildhibaan Cali Khaliif oo go’aansaday inuu khaatumadiisa ku qaato ka midho dhalinta Hanka kooxdaas ee ah inay Maamul noqdaan.

Cod qaadistii oo haatan soo gebo gebowday ayaa waxa  madaxweynenimo loo doortay Xildhibaan Cali Khaliif oo helay 21-cod, halka uu maxamed Yuusuf Indha-sheel ka helay 9-cod oo kaliya.

Haatan waxa la  sheegayaa inuu socdo qorshe kale oo kooxdu ku dooranayso madaxweyne-ku-xigeen, iyadoo lagu wado in shirka lasoo gebogebeeyo dhawaan.

Kooxdan ayaa muddo saddex sano ah dagaallo ka wadday deegaanada Bariga gobolka Sool, balse ma dhicin inay Guulo ka keentay hankeeda, waxana ay wali qabaan rajo ah inay maamullada Somalia laga aqoonsan yahay ee Puntland ka mid tahay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed