|

Wiil Dhallinyaro ah Oo Xalay Lagu Dilay Caasimadda Hargeysa

Hargeysa:Aug,14,2014(SDN/QJ)-Waxa Xalay Xaafadda Gacan-libaax ee Magaalada Hargeysa lagu dilay Wiil Dhallinyaro ah, iyadoo dilkiisana loo adeegsaday Mindi.

toorayWiilkan oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Axmed Muuse, ayaa la sheegay inay Dilkiisa geysteen Qaar ka mid ah Ragga gaadhka ka qabta xaafadahaasi, waxana isagoo oo dhaawac ah la geeyey Cisbitaalka Hargeysa oo uu markii dambe u geeriyooday.

Dilka ayaa dhacay goor dambe oo abaarro labadii saacadu ahayd, waxaana la sheegay inuu ka dhashay ismaan dhaaf dhex maray Ninka dilka geystay iyo marxuumka dhintay, inkasta oo aan faahfaahin cad wali laga helin sababta.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Bilayska oo la xidhiidha dilka, hase ahaatee qaar ka mid ah ehelada Marxuumka oo warbaahintu la xidhiidhay, ayaa xaqiijiyay dhimashada wiilkani inay timi kaddib markii uu Nin ka mid ah Gaadhka xaafadu Tooray geliyay.

Maydka Marxuumka ayaa la dhigay qolka Maydka ee Cisbitaalka, halkaasoo la dhigay kaddib markii uu ku dhintay qaybta gargaarka deg deg ah oo wax ka yar labaatan daqiiqo yaalay, sida ay xaqiijiyeen goob-joogeyaal.

Xaafada Geed-goble oo ka bilaabanta agagaarka Dugsiga Gacan-libaax, islamarkaana kor kaga beegan xaafada qadiimiga ah ee Fakinka, ayaa waxa muddo ka hor lagu dilay nin ka mid ahaa shaqaalaha Wakaalada Korantada dawladda, kaasoo Nin hubaysani weerar ku qaaday xilli fiid ah.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed