|

Reer Galbeedka Oo Hub Casri ah Ku Daldalaya Kurdiyiinta Ciraaq iyo Haliska Ka Dhalan karta

Baqdad:Dalalka ku bahoobey Midowga Yurub ayaa isku raacey in la hubeeyo Kurdida dalka Ciraaq, Maadaama ay weerarro kala kulmayaan kooxaha Awoodda Badan ee Daacish.

kuri Go’aanka ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegey in Kurdida lagu taageero dagaalka ay kula jiraan Dowladda Islaamka ee loo yaqaan ISIS taas oo si xawli ah ugu fiddey dalka ciraaq iyo waqooyiga Siiriya.

Dalka Maraykanka ayaa sidan oo kale la sheegey in uu si hoose iyo si muuqata u hubeynayaan Malayshiyaadka Kurdida iyo ciidamada ismaamulka Kurdida.

Arrintan ayaan la aqoon halka ay ku dhamaan doonto maadaama Kurdidu muddo dheer ay raadinayeen in ay helaan dowlad ka madaxbanaan Baqdaad oo ay ku dhawaaqaan in ay gosteen uguna yeeDHaan dowladooda Kurdistaan, waxaana dadka ka faalooda arrimahani ay tilmaamayaan in hubeynta Kurdidu ay sii fogeyn doonto xaalka dalka Ciraaq.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed