Xasan Sheekh Oo Warbaahinta Ku Eedeeyey Inay Xidhiidh Dhaw La Leeyihiin Mintidiinta Al-shabaab
Muqdisho:Aug,14,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan Sheeekh, ayaa saxaafadda Madaxa Bannaan ku eedeeyey inay gacansaar la leeyihiin Kooxaha xukuumadiisa kasoo horjeeda ee Al-shabaab.
Madaxweynaha Somaliya oo wareysi siinaayay Telefishinka BBS, ayaa wax laga weydiiyay waxa keenay xadhigii Idaacada Shabelle, oo abaalmarin Caalami ah heysata iyo in ay madax banaan tahay Saxaafada Somaliya ka hawlgasha. Ha yeeshee wuxuu Saxaafadu ku macneeyay halbowlaha fududeeya hawlgalada Al Shabaab.
Madaxweynaha, ayaa waxa uu ku andacooday in Shabaabku ay hawlgaladoodu fududeynayaan dhinacyo badan, oo ka mid ah Hay’adaha Dowladda, laakiin ay Warbaahintu tahay halka ugu badan, ee ay Shabaabku u adeegsanayaan fulinta hawlgaladooda. Wuxuuna gaadhsiiyay in 90% ay Saxaafadu fududeyso hawlgalada Al Shabaab.
Mar lagu celiyay tirada intaa le’eg ee Saxaafada sida ay ula shaqeyso Al Shabaab, ayuu ku laba labeeyay inaanu odhan karin in Saxaafada oo dhan ay Al Shabaab la shaqeyso, balse ay qayb ka mid ahi la shaqeyso.
Hadalkan madaxweynaha kasoo baxay ayaa waxa soo baxaya dad dhaleecaynaya, kuwaas oo ku macneeyey mid aan laga fiirsan oo lagu degdegay.
Siyaasiyiinta ku sugan Magaalada Muqdisho oo qaarkood la hadlay Idaacadaha Magaalada Muqdisho, ayaa waxay hadalka Madaxweynaha ku macneeyeen, mid ay Dowladdiisu ku baneysaneyso dhiigga Wariye-yaasha.
Suxufiyiinta ka hawlgasha Magaalada Muqdisho waxay walaac ka muujinayaan hadalka Madaxweynaha ka soo yeedhay, iyagoona iska riixaaya in ay wada shaqayn la leeyihiin mintidiinta Al Shabaab.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com