|

Wasiirka Duulista oo Baaq u diray Dadka Degen agagaarka Madaarka Hargaysa iyo Samaale oo ku dhaatay Waxqabadka Xukuumada Daawo

Hargaysa 14.Aug 2014 (SDN/QJ)- Wasiirrada Wasaaraddaha Duulista iyo hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa ka qayb galay munaasibad lagu soo bandhigayey gaadhi dab-damis ah oo loo soo iibiyey Madaarka Hargeysa.

CaptureGaadhigani dabdamiska ah oo ah nooca loogu tallo galay in lagu bakhtiiyo wixii dab ah ee ka kaca Diyaaraha iyo dhismayaasha Madaaradka ayaa waxa kharashka lagu soo iibiyey bixisay Wasaaradda Maaliyada Somaliland, iyada oo laga soo iibiyey dalka Ingiriiska.

Labadada Wasiir ee Maaaliyada iyo Duulista ayaa kormeeray gaadhinaasi, oo lagu hor tijaabiyey laga shaqaysiiyey qaybaha kala duwan ee uu dabka ula tacaalo, iyo sida uu biyaha ugu tuuro goota uu dabku ka kaco, tijaabadaasi oo lagu samaayey gudaha Madaarka Cigaal Airport.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com
 

Comments are closed