Go’aamo iyo Qodobo lagu soo Afjaray laba Beelood oo Isku Hayay Deegaan u dhow Magaalada Burco
Burco 14.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xubno Wasiirro ah oo ku hawlanaa soo af-jaridda shaqaaqo ka dhacday deegaan lagu magacaabo Balli Diiriye Guuleed oo dhanka waqooyi kaga began magaalada Burco,ayaa soo saaray go,aamo ay ku soo af-jarayaan shaqaaqada dhex martay laba beelood oo halkaa wada dega isla markaana gaadhay gacan ka hadal aan dhimasho keenin.
Laakiin go,aamada Wasiiradda ka socday xukuumadda Somaliland ee deegaankaa gaadhay oo maalmahanba ku sugnaa Burco isla markaana la kulmay odayaasha labada dhinac,ayaa go,aamadii ay ka soo saareen xurgufta u dhaxaysay labada dhinac iyo dhulka muranku ka dhashayba waxaa ku gacan saydhay dhinac ka mid ah labadii beelood ee la dhex dhexaadinayay .
Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo hogaaminayay Wasiirada oo ay ka mid yihiin wasiirka Caddaaladda iyo wasiirka Ciyaaraha ayaa sheegay inay Shaqaaqada soo afjareen.
“Xaaladdii meesha ka taagnayd waanu soo gabagabaynay, dadkii hawshaasi ka dhaxaysayna waa aqbaleen oo xukun dawli ah baanu kasoo saaray. waxaanu soo saarnay in illaa hada meeshaasi Diiriye Guuleed ahaato Xoolo Daaqsin. Reerka kale ee la sheegayo ee la lahaa wax bay isku hayaan waanu ganaaxnay sababtoo ah cid u xil saaratay inay beeli beel meel ka ilaaliso oo aynu ognahay ma jirto, sababta u gaysay cid meelo fadhanaysa ama qodanaysa ama khalad ha ahaato ama saxe cida u banaysay inay hub intay qaataan dul tagaan waa sharci daro, sidaas darteed iyagana waxaanu saaray wixii ay xaq u lahayeen oo aanu is leenahay waxay tusaale u noqon doontaa beelaha kale.” Ayuu yidhi Wasiir Abgaal o o Go’aanka wasiirada ku dhawaaqayay.
Muranka Dhul ayaa ka bilaamay ka dib markii Beesha Cabdalle Arab Qodatay Degaanka Diiriye Guuleed, halkaasi oo Beesha ka tirsan Habar jeclo diiday inay qotaan, iyadoo dagaal aan dhimasho keenini dhex maray.
Dhinaca kale Go’aanka wasiirada waxaa ka soo horjeestay Beesha Cabdalle Arab oo sheegaysa inaanay aqbalayn xalka Wasiirada.
Xildhibaan Golaha degaanka Burco ah iyo Qaar ka mid ah Odayaasha beesha Cabdale Arab ayaa markii ay shirka jaraa’id qabteen wasiiradu kadib la hadlay saxaafada waxaanay sheegeen ina aanay waxba ka jirin Go’aankaas isla markaana aanay aqbalayn.
Xildhibaan Kayse Cabdi Raage ayaa yidhi ”waxaanu u sheegaynaa Bulshada Somaliland meel kasta oo ay joogaan in arinta maanta halkan ka dhacday ee ay wasiiradu la yimaadeen ay tahay tii umadu ay isku dili jirtay, Madaxwaynnuhuna wuu ogyahay xaalada taagan, waxa ka socda arrinkaasina yahay arin dagaal lagu oogayo. umada somaliland wixii ay u soo halgantay ee midnimadeeda ugu soo dhimatay in maanta lagu wiiqayo ayaanu u argnaa, hadii mudane madaxwayne warqdan baad ku taalaaye laga been abuuray wixii arinkan keenay talaabo degdeg ah ka qaad.
hadii aad ogatahay arintan waa inaad degdeg uga noqoto, dhul hagaagsan oo sharci leh in baabi’iyo wax dhacaya oo aanu qadanayno ma aha.
Oday Cumar Abokor ayaa isna yidhi ”waxaanu sheegaynaa in Go’aankaas nalaku qaaday inaan Beesha Cabdalle Arab yeelayn.
Burco SDN/QJ
contact@qurbejoog.com