|

Wefti ka Socda Qaramada Midoobay oo Booqasho Taariikhi ah ku Tagay Maanta Muqdisho

Muqdisho 13.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho maanta aroortii iyagoo booqasho taariikhi ah ku yimid Soomaaliya si ay u eegaan horumarka ay gaartay Dowladda Federaalka oo kaalmo ka helaysa beesha caalamka, iyo si ay u muujiyaan taageerada ay had iyo jeer u hayaan dadaalka uu dalku ugu jiro si uu u xaqiijiyo inuu nabad waarta helo.

un muqdishoBooqashada shan iyo tobanka xubnood ee Golaha waxaa hogaaminaya Wakiilka Joogtada ah ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) u qaabilsan Qaramada Midoobay, Danjire Mark Lyall-Grant iyo Danjire Usman Sarki ee Nigeria. Inta ay booqashada ku joogeen dalka, xubnaha Golahu waxay la kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Raiisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, xubno sarsare oo ka tirsan Dowlada iyo Baarlamanka Federalka, hogamiyeyasha Maamulka Jubba ee Kumeelgaarka ah iyo Galmudug, Axmed Islaan Madoobe iyo Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid. Waxaa sidoo kale ay wadahadal la yeesheen madaxda sare ee Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) iyo Hawlgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo xubno ka socday bulshada rayidka.

 

Booqashadu waxay imanaysaa waqti aad ugu muhim ugu ah Soomaaliya iyadoo dalku isu diyaarinaya marxaladda labaad ee hawlgalka militeri ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxna ka qabanaya xaaladda baniaadanimo ee sii xumaanaysa, horeyna u sii wadaya dib u habeyn siyaasadeed si la isugu afgarto nidaam maamul oo federaal ah.
Hadal uu ka jeediyay Garoonka Dayuuradaha ee Caalamagiga ee Muqdisho, Wakiilka Gaarka ah ee Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK), Danjire Mark Lyall-Grant, wuxuu yiri “Waxaan ku faraxsanahay inaan fursadan u helnay inaan Soomaaliya booqano. Booqashadeenu waxay hoosta ka xariiqaysaa sida ay beesha caalamku uga go’antahay inay taageerto horumarka ay Soomaaliya u qaadday si ay u gaarto nabad iyo xasillooni. Goluhu wuxuu soo dhoweynayaa heshiisyadii siyaasadeed ee dhowaan la gaaray si loo dhiso maamul goboleedyo ku meelgaar ah, oo ay ka midyihiin sameynta Maamulka Jubba ee Ku-Meelgaarka ah iyo heshiisyada laga gaaray Maamulka Koonfur Galbeed ee Ku-Meelgaarka ah iyo Gobollada Dhexe.

“Xubnaha Golaha waxay sidoo kale muujiyeen inay filayaan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay: si degdeg ah u sameyn doonto guddiga doorasha qaran ee madaxabanaan; horseed ka noqon doonto hanaan wax dib u eegid loogu sameynayo dastuurka farina loogu qaadayo dhammaadka sannadka 2015; soona abaabusha doorasho dhacda sannadka 2016.

Xubnaha Golaha Amaanka waxay diyaar u yihiin inay taageeraan dadka iyo dowladda Soomaaliya si aragtidan looga dhabeeyo. Xubnaha Goalaha Amaanka waxau sidoo kale hoosta ka xarriiqeen muhimadda ah leedahay in haweenku ay wakiillo ku yeeshaan dhammaan heerarka hanaanka siyaasadda ee Soomaaliya.” ayuu raaciyay Danjire Lyall-Grant.

Wefdiga Golaha Amaanka wuxuu ka koobanyahay wakiillada Argentina, Australia, Chad, Chile, Shiinaha, Faransiiska, Urdun, Lithuania, Luxembourg, Nigeria, Jamhiiriyadda Kuuriya, Isutagga Federaalka Ruushka, Rwanda, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) iy Maraykanka (USA).

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed