Madaxwaynaha Somaliland oo isku shaandhayntii u balaadhnayd ku sameeyn doona xukumada iyo wasiirada la filayo inay xilkooda wayaan oo qurbejoog heshay halkan ka aqriso
London13Aug14(SDN/QJ)sida ay heshay xafiiska qurbejoog xaruuntiisa london ayaa u xaqiijiyeen ilo xog ogaala ah oo ku dhaw dhaw xarunta madaxtooyada ,Ayaa waxaa la sheegaya in ay soo socoto isku shaandhayntii ugu balaadhnayd oo ay waayadan , xukumada madaxweyne silaanyo ku jirto sanadkii ugu danbeeyey ee shantii sano ee la doortay ayaa waxay dardar gelinaysaa sidii ay mar walba ay isu wafajin lahayd wax qabadkeeda iyo wixii ka dhiman hadaba isku shaandhayntan, ayaa la sheegaya inay tahay tii ugu balaadhnayd waxaana la sheegay inay wasiiro badan iyo agaasimayaal badan iyo weliba dad kaloo xilal muhiima haya ay qaadan doonto seeftu.
Wasiirada la tilmaamayo ee ay dul saaran tahay seeftu ayaa waxaa ka mida ,
Wasiirka wasaarada arimaha debeda Maxamed Yoonis biixi
Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi
Wasiirka wasaarada beeraha Pro Faarax Maxamed Geedoole
Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Dr Cabdi aw daahir
Wasiirka wasaarada ganacsiga Dr Muuse Qasim
Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeeynta Cadirisaaq Khaliif
Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse
waxaa kaloo iyana la sheegayaa inay dul saaraan tahay seefu agaa simayaal badan oo ka midah dawlada somaliland
Hadaba agaasimayaasha la saadaalinayo ayaa waxaa ka mida
Agaasimaha wasaarada waxbarashada
Agaasimaha wasaarada qorshaynta qaranka
Agaasimaha wasaaada macdantiyo biyaha
waxaa iyana aad carabka loogu hayaa safiirka somaliland ee uk oo beryahan aad loo hadal hayey inay xaadhanayso iyo safiiro kale oo xukuumada ka tirsan
iyo qaar aan weli magacyadoodu na soo gaadhin waxaa iyana la saadalinayaa wasiirada la filayo inay xilal cusub qabtaaan
wasiirkii hore ee ganacsiga wasiirka Dr maxamed cabdilaahi ,Wasiirkii hore ee Cafimaadka Xuseen Xoog ,safiirka kenya u fadhiya somaliland safiir sifir , Maxamed Ibraahim Qabo iyo xubno kale oo aan magacoodu weli aanay na soo gaadhin shabakada qurbejoog isku shaandhayntan ayaa la filayaa inay wax weyn ka bedeli doonto xukuumada madaxweyne silaanyo oo dedaal dheer ugu jirta sidii ay mar walba u gaadhsiin lahay dalka horumar
isku soo wada duuboo waxaa marnaba aan la dhaylsan karin isku shaandhayntan oo xuuumada ugu fadhida qiimo weyn.waxii soo kordha kala soco shabakada qurbjoog.com
qurbejoog xafiiska wararka ee london