Fuaad aadan Cade oo lagu wado in uu Garoowe maanta soo Gaaro
Garoowe Aug 13,2014(SDN/QJ)-Odey Fuaad Aadan Cade oo ah siyaaasi mudo dheer ka soo tirsanaa golleyashii wasiirada ee Somaliland soo maray ayaa manta Garoowe la isla dhexmarayaa in uu imanayo Garoowe.
Imaantiga Fuaad Aadan Cade ee Garoowe ayaa daba socota imaatinkii Odey Axmed Cabdi Xaabsade oo isna ka soo goostay Somaliland.
Imaatinka Fuaad Aadan Cade ee Puntland ayaa hadii ay dhabowdo waxa uu isbedel weyn ku keeni doontaa siyaasada Puntland ee ku wejahan degaanka Sool.
Si kastaba ha ahaatee digo rogashada siyaasiyiinta iyo madax dhaqameedka Sool ayaa ah mid sanadihii u danbeeyay noqday mid aad u soo noqnoqda iyo mashruuc dadku haatan ka daaleen.
SDN/QJ-Garoowe