|

Sarkaalkii Ka Dambeeyey Weerarradii Gudaha Kenya Laga Fuliyey Oo Gacanta Lagu Dhigay

Nairobi:Aug,13,2014(SDN/QJ)-Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ugu yaraan16-ka mid ah Shakhsiyaad lagu tuhunsan yahay inay hormood ka yihiin shabaabka dagaalka ka wada Gudaha Kenya.

canoDadkan la qabqabtay ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwii bishii june weerrarada ka geystay Gudaha  Kenya, isla-markaana halkaas ku laayey dad aad u tiro badan.

Wargeyska The Daily Nation ayaa qoray in Hoggaamiyihii Kooxdaasi oo Kenyaati iyo 15 kale lagu qabtay Dhulka Kaymaha badan ee OZI oo ku dhow Jesiiradda Laamu.

Sarkaal u hadlay Booliska Kenya ayaa sheegay in Hoggaamiyahaasi oo ka soo jeeda Tuulladda Kiyunga xubin ka yahay Xarakadda Alshabaab, isla markaana uu taliye u ahaa Kooxdii laba bilood ka hor weerarka ka geysatay Deegaannadda Mpeketoni, Poromoko, Maleli, Kibooni iyo Gamba oo dhamaantooda ka tirsan Gobalka Laamu.

Wargeyska the Daily Nation, waxa kaloo uu qoray in Hoggaamiyahaasi dhaawacyo ka soo gaadheen weeraraddii bishii June ee la soo dhaafay lagu qaaday Saldhigga Boliska ee Gamba, iyadoo halkaasi lagu dilay 9-qof.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Kenya (KDF), Willy Wesonga ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo hawlgalka lagu sheegay in lagu soo qabtay kooxihii ka dambeeyey weeraraddii ka dhacay qeybo ka mid ah Gobalka Lamu.

 

 SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed