|

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Ku-xigeenka Xoghayah Guud ee QM

Muqdisho Aug 13, 2014(SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaliya dane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta xarunta  Madaxtooyada ku qaabbilay Ku-Xigeenka hayah Guud ee Qaramada  Midoobay Peter Drennan.

Madaxweyanaha iyo ku-xigeenka Xoghayah Guud ee Qaramada Midoobay  waxay ka wada hadlay wada shaqeynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, xaaladda ammaan ee dalka iyo taageerada Qaramada Midoobay ay u fidiso Soomaaliya.

Mudane Peter Drennan ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya horumarka ay ku tallaabsatay labaddii sano ee la soo dhaafay isaga oo cadeeyey in Qaramadda Midoobay ay diyaar u tahay xoojinta caawinaadda Dowladda  Soomaaliya gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa ammaanka dalka.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, wuxuu ka warbixiyay cunta yarida soo food saartay qeybo ka mid ah Soomaaliya sababo ammaandarro iyo roobabka wuxuuna codsaday in caalamku uu dhug u lahaado xaaladdaas.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed