Madaxweynaha Puntland oo ka waramay wadahadal ay la leeyihiin dawlada dhexe ee Soomaaliya
Bossaso Aug 13,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland Md Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in ay wadahadalo u socdaan iyaga iyo dawlada dhexe ee Soomaaliya.
Puntland ayaa xiriirkii wada shaqeyneed u jartay dawlada dhexe ka dib kolkii Muqdisho dhawaan lagag dhawaaqay maamul ay yeelanaayaan Gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in ay jiraan wadahadalo u furmay iyaga dawlada dhexe dhawaan uuna rajeynayo in ay wadahadaladu miro dhalaan.
Madaxweyne Gaas ayaa arinkan ka sheegay mar uu booqanayay magaalada Bossaso oo uu saxaafada ugu waramay.
“Puntland waxa ay ka arimisaa woqooyiga Mudug mana ogolaaneyno in cid kale ay degaankaa ka arimiso”ayuu yiri Md Gaas oo u waramayay saxaafada Bossaaso.
Intii ka danbeysay xiligii madaxweyne Cabdilahi Yusuf ayaa Puntland aaney xiriir wanaagsan waxa aaney la leheyn dawlada dhexe ee Soomaaliya.
SDN/QJ-Boosaaso
contact@qurbejoog.com