Xaabsade Oo Ka Hadlay Sababaha Uu Somaliland Uga Goostay, Soona Dhaweeyey Aqbalaadda Haddii Puntland Xil Looga Dhiibo
Garowe:Aug,,13,2014(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo Haatan ku sugan Magaalada Garowe, ayaa ka Hadlay Sababaha uu u jooga Deegaankaas.
Axmed Cabdi Xaabsade oo u warramayey Idaacadda BBC-da, ayaa inuu puntlnad u tegay sidii uu khilaafka iyo is qabqabsiga ka dhex jira meesha uga saari lahaa, isla-markaana uu khibradiisa uga faa’iidayn lahaa.
Waxa uu tilmaamay inuu ka fadhiistay siyaasaddii Somaliland, isagoo xuay inuu dhismaha Puntland haatan u soo ban Baxay, “waxan joogaa garoowe maamulkii hore ee aan la joogay waan ka fadhiistay halkana waxan u imi inaan la dhiso maamulkan Puntland. Markii aan ka fadhiistay waxay ii muuqatay inaan puntland oo aan hore u joogi jirey dib u dhiso hadhowna aan dib usii gudbo oo aan u odayeeyo dadkii aan ka dhistay.” Ayuu yidhi Axmed Cabdi xaabsade.
Mudane Xaabsade oo ka jawaabeyey su’aal ahayd sida lagu aamini karo maadaama uu caan ku yahay Guurguurka, ayaa sidan ku jawaabay,
“waanu ku heshiinay oo waa la igu aaminay waana ka heshiinay markii hore maamulkaanu is qabanay laakiin waan ka heshiinay haddana qoladani waaba ii baahan tahay.”ayuu yidhi Xaabsade.
Su’aal kale oo ahayd waxa uu kusoo kordhin karo deegaanada uu kasoo jeedo oo maamullo iska soo horjeeda ku hirdamayaan, ayaa ku jawaabay,
“ Waxan soo kordhinayaa khaatumo iyo puntland inaan heshiisiiyo oo aan dhex galo oo labadaba aan ka tirsanahay midna anigu colaad uma hayo .”
Xaabsade waxa uu sheegay inaanu somalilnad cadho kaga tegin, isla-markaana uu wanaag u hayo, isagoo sheegay inaanu puntland xil weydiisan, balse hadii loo garto uu qaadan doono, waxana uu yidhi,
“waxba kama aan cadhoon siyaasaddana waxba kama xumaanna uma hayeen waan ka fadhiistay. Laascaanodna waxan rabaa inaanu wanaag ku wada hadalno. Waxa fiican inaanu wada hadalno oo wax meel isla dhigno. Puntland oday baan ka noqonayaa maadaama aan oday ahay. Taasi waa haddii ay iyagu u baahdaan laakiin anigu waxan rabaa inaan wanaagga kala shaqeeyo maadaama aan aqoon fiican u leeyahay.”
Axmed Cabdi xaabsade ayaa horraantii toddoodkan ka degay magaalada Garowe, waxase uu afka ka dhawray inuu ka warramo sababaha rasmiga ah ee uu Somaliland uga tegay, waxase muuqata inuu udulqaadan waayey siyaasiyiinta cusub ee deegaankiisa kasoo jeeda ee Somaliland waayadan dambe laga ixtiraamayo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com