Man United oo Soo Kabaneysa Ayaa 2-1 Ku Naasnuujisey Velencia.(DAAWO GOOLASHA)(By Jaahuur)
Old Traffod,London-12-Aug-8-2014-(SDN/QJ) Akhyaartay toddobaadkan iyo ciyaaraha waxaynu ku soo qaadaneynaa Man United oo aad moodo iney ka soo fiicnaaneyso wixii ka qabsadey horyaalkii hore oo aay ka gashey kaalinta 7-aad,haddaba maxaa iska bedeley?
Man United oo runtii horyaalkii hore isku jaah wareersan ayaa waxay soo xaretsatey tababare Van Gaal oo watey xulkii kubadda cagta ee Holland kana qeybgaley kobkii aduunka cidhiidhsadeyna kaalinta 3-aad.
Haddaba Man United oo toddobaadyadii aynu soo dhaafney ciyaaro saaxiibtinimo ah ku soo kala bixiyey wadamo farabadan ayaa guulo ka soo hooyey.
haddii aynu soo qaadano ciyaartii galabta la ciyaareen naadiga Velencia ee reer portugal ayaa ahayd ciyaar aad u xiiso badneyd waxaana garoonka ku soo xoomey taageerayaasha waraabowga qaba ee Man United.
Ciyaarta oo aay qeybtii hore Man United jaanta isla heleen ayaa daqiiqaddii 32-aad rigoore waxaa cuney ama birta kaga dhacdey Rooney,laakiin daqiiqaddii 49-aad rigooradii aay iska lumiyeen waxaa niyadda u dhisey Fletcher.
Qeybtii dambe 30-kii daqqiqo ee ugu horeeyey Velencia oo boodhka iska jaftey ayaa daqiiqadii 71-aad waxay la yimaadeen gool aad u qurux badan waxaana u saxeexey Rodrigo.
Haddaba Van Gaal markii uu arkay in kooxdiisa la saaranyahay wuxuu badeley afar ciyaartooy oo 15-kii daqiiqo wax ka badeley ciyaarta taas oo u suurta galisey daqiiqaddii 90+1 Fellaiani gool mucjiso ah ku sagootiyey Velencia.
Saaxiibayaal todobaadkan waxaa dib u furmi doona horyaalkaa Ingrisska (Premier League) Bal aynu argno waxay Man United la soo shir tagto..
W/qorey Jaahuur
SDN/QJ
jjaahuur@qurbejoog.com