Xukuumada Somaliland oo adkaysay Sidii Socotadu ugu Gudbaysay Jabuuti iyo Baaq ay Dawlada Jabuuti u direen
Saylac 12.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaanu dalka jabuuti uga soo gudbi Karin dad aan siday sharciga socdaalka, waxa kale oo ay sharci ku xidhay dadka reer Somaliland ee u kicitimaya dalka Jabuuti oo iyagan sharci socdaal lagu xidhay.
Sidaasna waxa maanta daboolka ka qaaday Badhasaabka Gobolka Salal iyo Taliye xigeenka ciidanka laanta socdaalka Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Saylac ee xarunta gobolka Salel.
Taliye xigeenka laanta socdaalka Somaliland Gaashaanle dhexe Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale) oo halkaasi ka hadlay daboolka ka qaaday go’aamo ay ku soo rogeen dadka u safraya dalka Jabuuti iyo kuwa ka imanaya dalkaasi, waxaanu yidhi ”Maanta oo ay taariikhdu tahay 12/08/2014 wixii ka dambeeya waxaan jiri doonin cid shirci darro ku soo gasha dalkan ama kaga baxda waxaan u sheegaynaa Dawladda Jabuuti in aanay nagu soo daynin cid sharci aan sidan sida aanu xagayagaba u adkaynay.”
Badhasaabka gobolka Salel C/risaaq Waabari Rooble oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa ku dooday in tallaabadani qeyb ka tahay iskaashi lagu adkaynayo nabad-gelyadda labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti, waxaanu yidhi “Waxaan dadka ka imanaya dhinaca Gobolada Somaliland u sheegaynaa inay soo qaataan sharciga socdaalka(travel Document),qofka aan sidan sharcigaasi waxaan leehay fadlan halkan (Saylac) ha ku soo lugo’in annagana ha na culaysinina.” Go’aanka ayaa la sheegay inuu yahay mid ay labada dal iskaga kaashanayaan adkaynta soohdimaha iyo ammaanka guud ee labada dal ee Somaliland Iyo Jabuuti.
Saylac SDN/QJ
contact@qurbejoog.com