Xildhibaan Jaamac Riyo oo ka dalbaday Siyaasiyiinta Beesha Dhul bahante inay Somaliland Gudaheeda kaga Gorgortamaan Mawqifkooda intay Goosan lahaayeen DHAGAYSO
Hargaysa 12.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaan Jaamac Riyo oo ka mida mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta beesha dhul-bahante inay ka waantoobaan goosashada intay Somaliland xil ka qabtaan,ay hadana u baxsanayaan Garoowe, isaga oo u soo jeediyey inay ka gor-gortamaan Somaliland oo wixii tabasho ah ay sheegtaan, waayo dhul-bahante waa dad reer Somaliland ah.
Xildhibaan Jaamac Riyo waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta la hadlayey Warbaahinta Somaliland,waxaanu yidhi “Waxaan u soo jeedin lahaa Siyaasiyiinta Beesha Dhul-bahante, Inay ka tanaasulaan Goosashadan Intay Kolba Somaliland xil ka qabtaan ay baxsanayaan oo ay tagayaan Garoowe, Somaliland ha ka gorgortamaan, oo mawqifkooda halkan ha ka cadeeyaan, oo miiska ha qalibaan”.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA XILDHIBAANKA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/JAMACRIYO12A.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com