Saamaynta Caruurtii Saado Cali Warsame uu Dilkeedu kaga tagay Daawo
Washington 12.Aug 2014 (SDN/QJ)- Laba Carruur ah oo ay dhashay Allaah ha u naxariistii Fannaanaddii Soomaaliyeed ee caanka ahayd Saado Cali Warsame, ahaydna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo 25-kii Bishii Ramadaan ay Koox Al-Shabaab ka tirsani ku dileen magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, waxaanay Carruurta Marxuumaddu ka tegtay oo ah Wiil iyo Gabadh ay ka waayo-warrameen saamaynta uu dilka Hooyadood ku yeeshay.
Allaah ha u naxariistee Saado Cali Warsame ayaa degganayd dalka Canada ee Waqooyiga Amerika, waxaana Carruurta ay dhashay lagu waraystay dalkaas oo ay deggan yihiin, iyagoo si murugo leh uga hadlay xaaladda ay hadda ku sugan yihiin, dareenkooda iyo saamaynta uu ku keenay dilka Hooyadood.
Halkan hoose ka Daawo Waraysigaas oo Xiiso badan