Xukuumadda Siilaanyo Oo Ku Qanci weyday Hannaankii Hoggaanka Kulmiye uga Jawaabeen Dhaliishii Mucaaridka iyo Xubno Dalbaday in Mar Labaad La Jawaabo
Hargeysa:Aug,12,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegayaa inay ku qanci weyday habkii uu hogaanka Kulmiye Uga fal celiyey dhaliilihii cuslaa ee mucaaridku sida wada jirka dusha uga saaray hannaanka maamul ee dalka ka jira.
Wararka aanu Hayno ayaa sheegaya in xubnaha dhegaha fudud ee aqalka madaxtooyada ku xeerani ay yaraysteen jawaabtii mujaahidiintu siiyeen mucaaridka, iyadoo tilmaamay inaanay jawaabta la bixiyey la meeqaam ahayn dhaliisha la sheegay.
Kooxda aqalka madaxtooyada ku xeeran oo ay caado u tahay inay Habeenkii madaxtooyada ku daawadaan Jawaabta dhinacooda bixiyo iyo waliba dhaliisha loo dhiibo, ayaa habeenkii xalay markay daawadeen hadalkii hoggaanka xisbiga isku raacay inaan jawaabtaasi buuxin Karin halkii ay daloolisay dhaliishu mucaaridku, waxana ay madaxweynaha u gudbiyeen Baahida loo qabo in xukuumaddu afkeeda isku difaacdo.
Meelaha la dhaliilay ayaa wax aka mid ahaa xubnaha Madasha ku jira ee xukuumadda la hadlay oo aan cidi u jawaabin iyo hannaanka muddo-kordhinta oo ay saluug ka muujiyeen qaabkii uu muuse Biixi u dhigay oo ay ku sheegeen mid aan kululayn oo baryo ka muuqato.
Waxyaabaha kale ee ay dhaliileen ayaa wax aka mid ah inaanay odayaashu soo hadal qaadin qodobkii mucaaridku ku diideen komishanka muddadoodu sii dhamaanayso, waxana qolada xalay goobta wada joogtay isku raaceen in loo baahan yahay in Komishanka la difaaco oo aanay meesha ka bixin.
Lama sheegin inuu mudane Siilaanyo ku raacay in xukuumaddo jawaabto, balse waxa la muujiyey in wax badani ka dhiman yihiin Jawaabta odayaashu bixiyeen, iyadoo xukuumaddu wali ka Gubanayso hadalkii uu Maxamed Xaashi sheegay oo aan jawaab laga Bixin.
Waa wax la filan karo inay xukuumaddu jawaab labaad u wakiillado afhayeenkeeda ama wasiirka warfaafinta, balse ma aha mid uu madaxweyne Siilaanyo jecel yahay, waxase taas wada kooxda awoodda badan ee madaxtooyada ku xeeran oo taageero badan ka Haysta Marwada Madaxweynaha.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com