|

Jilaa Dunida Caan ka ahaa Oo Qudha Iska Jaray

Sanfancisco:Aug,12,2014(SDN/QJ)-Majaajilayste iyo Jilaa dunida caan ka ahaa oo lagu magacaabi jirey Robin-willams ayaa meydkiisa laga helay aqalkiisa, waxana loo malaynayaa inuu is dilay.

buufeAktarkan ayaa da’diisa aheyd 63-sanno jir,lamana yaqaan sababta ku kaliftay inuu nafta iska jaro,balse, waxa la sheegayaa inuu Xadhig isku xidhay oo uu naqaska isku dhejiyey.

Willams waxa uu ka mid ahaa Tiirarka Hollywood, isagoo hore ugu guulaystay Abaalmarinta Oscarka loo yaqaano, waxana uu metelay Aflaan tiro badan oo xilliyadaas si aad ah  loo jeclaa.

Bahda Aflaanta Caalamka ee xiiseeyn-jiray qaabka uu aflaanta u jilo ayaa ka naxay geeridiisa,waxaana mudooyiinkii ugu dambeeyay ku dhacay Buufis iyo isla hadal(Depression)waxaana la soo wariyay inuu isku dilay guri uu ku leeyahay Gobolka California,wuxuuna Aktarkan u dhashay Dalka Mareykanka.

Wali waxa la wadaa baadhitaano si looga gungaadho sababta keentay inuu aktarkani qudha iska jaro, iyadoo qoyskiisana su’aalo la weydiinayo.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed