|

Madaxweyne Siilaanyo Oo Hambalyeeyey Guusha Madaxweyne Erdogan-ka Turkiga

Hargeysa:Aug,12,2014(SDN/QJ)-Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku Biiray Liiska Madaxda Caalamka ee Dhambaallada Hambalyooyinka ah u diray Madaxweynaha Turiga Erdogan oo Guul weyn kasoo hooyey Doorashadii Madaxnimo ee Dalkiisa ka qabsoontay.

silyMudane Siilaanyo ayaa Bogaadiyey Guusha Madaxweyne Erdogan soo Hooyeyey, isagoo sidaasi ku sheegay dhambaal uu caawa soo saaray, kaasi oo uu warbaahinta soo gaadhsiiyay Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul,waxaanu dhambaalkaasi madaxweynuhu soo saaray u dhignaa sidan:-

“Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca goleyaasha qaranka iyo ka shacbiga Somaliland kalsoonidooda, waxaanu Mudane  Recep Tayyip Erdogan,   aan adiga iyo shacbiga aanu walaalaha nahay ee turkigaba waxaan kuugu hambalyaynayaa guushii iyo natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxtooyadda ee ka dhacday wadankaaga oo mar kale shacbiga Turkigu ay ku siiyeen kalsoonidooda oo ay kuu doorteen Madaxweynaha cusub ee dalkaasi. Arrintaasi oo  adigana Hoggaamiye ahaan kugu sii dhiirigelinaysa inaad halkaas ka sii wado horumarka  xooga leh  ee  aad dalkaaga  u horseeday.

 

Sidaas darteed, waxaan kuu rajaynayaa in ILAAHAY kuu fududeeyo masuuliyadda shacbigaagu ku saareen.

Qaranka iyo shacbiga Somaliland waxay ogsoon yihiin taageeradda iyo gacan qabashada aad noo fidisaan, taasi oo aan rajaynayo inay sii xoojin doonto xidhiidhka iyo wax wada qabsiga u dhaxeeya Somaliland iyo Turkiga. WA BILAAHI TAWFIIQ.”

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed