|

“Haweenku waa horseedka nabadda” Raysal Wasaaraha Somalia

Muqdisho 11.Aug 2014 (SDN/QJ)- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa ka qayb galay kulan looga hadlay kaalinta haweenka ee nabadda iyo horumarka dalka oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

cabdiKulanka waxaa soo qaban qaabiyey wasaaradda haweenka iyo xuquuqda aadanaha ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo ururrada haweenka.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqda aadanaha, Khadiija Maxamed Diiriye oo ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in haweenku heegan u yahay ka qayb qaadashada dadaallada nabadda iyo horumarka dalkooda.

Ra’iisalwasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa ka sheegay kulanka in haweenku door lama illaawaan ah ka qaatay xorayntii iyo  dhismihii dalka, ayna yihiin lafdhabarta awoodda lagu raadinayo nabad ka hirgasha gabi ahaanba gayiga Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaaraha ayaa intaas ku daray in xukuumaddu ay si buuxda ula shaqaynayso haween weynaha Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday in ay laba laabaan dadaalka ay uga qayb qaadanayaan halganka lagu xaqiijinayo qarannimada iyo horumarka Soomaaliya.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed