|

Shirkadaha Xawaaladaha iyo Baanka Dhexe oo Soo dhaweeyay Sharci qabyo ah oo lagu maamuli doono Xawaaladaha

Hargaysa 11.Aug 2014 (SDN/QJ)- Shirkadaha Waaweyn ee Xawaalaydaha iyo Baanka dhexe ee Somaliland ayaa Si wada jir ah u soo dhaweeyay hindise Cusub oo baanka dhexe ku soo bandhigayay Sharciga Qabyada ah ee la dagaalanka lacagaha sida qarsoodiga loo diro,Sidaasna waxaa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Mudane Cabdi Dirir Cabdi.

Gudoomiyaha Baanka dhexeWarsaxaafadeedka waxaa lagu yidhi Lacagaha sida qarsoodiga ah ee aan sharciga ahayn lagu kala wareejiyaa waxaa ay waxyeelo u gaystaan horumarka. Iyaga oo ka dareen qaba arintaasi iyo saamaynaha kale ee aan wanaagsanayn ee dambiyada ku saabsan dhinaca lacagahu ay ku yeeshaan bulshada iyo dhaqaalaha ayaa Baanka Somaliland waxaa uu soo qabanqaabiyay shirwayne uu hal ku dhigiisu yahay meel marinta sharciyada  xawaalada iyo dambiyada ku saabsan dhinaca lacagaha .Muhiimada ugu wayn ee shirkaasi waxaa ay ahayd in lagu soo bandhigo sharciga weli qabyada ah eek u saabsan la dagaalanka lacagaha sida qarsoodiga ah ee aan sharciga ahayn lagu kala wareejiyo,waxaana sharcigaasi soo bandhigay gudoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Abdi Dirir

Waxaana uu sheeggay in ujeedada laga leeyahay sharcigan la soo bandhigay eek u saabsan la dagaalanka lacagaha sida qarsoodiga ah ee aan sharciga ahayn lagu kala wareejiyaa in ay tahay sidii loo baajin lahaa ee loona mamnuuci lahaa in lacagaha lagu kala wareejiyo sifo aan sharciga waafaqsanayn,amaba lagu maal geliyo argagaxisada.Waxaana uu gudoomiyaha baanku sheeggay inuu  sharcigani garawsan yahay in in lacagaha sida qarsoodiga ah ee aan sharciga ahayn lagu kala wareejiyaa ay tahay fal dambi ah.Ururka ay leeyahiin shariikadaha xawaaladaha ee Somaliland,oo ay ka mid yihiin shariikadaha waawayn ee xawaaladahu ayaa soo dhaweeyay sharcigan waxaana ay ku balan-qaadeen in ay dawlada kala shaqaynayaan sidii hubaal looga dhigi lahaa inuu sharcigaasi meel mar uu noqdo

Dawlada Somaliland iyo Baanka Somaliland waxaa ay walaac ka muujiyeen hindisaha ku saabsan xidhitaanka xisaabaadka ay shariikadaha xawaaladahu ku leeyahiin qaar ka mid ah baananka ku yaalla maraykanka iyo UK.Waxaa la isla qaatay in haddii ay meesha ka baxaan xisaabaadka baananka ay ku leeyahiin shariikadaha xawaaladahu ay taasi sii kordhin doonto lacagaha sida qarsoodiga ah ee aan sharciga ahayn lagu kala wareejiyo iyada oo loo marayo habab aan rasmi ahayn oo markaasi ay adkaan doonto sidii ay dawladaha iyo dhinacyada qaabilsan  sharciyada xawaaladahu ay ula socon lahaayeen lacagaha la xawilayo.

Shirkaasi waxaa si rasmi ah u furay madaxwayne ku xigeenka Somaliland,Mudane Abdirahman Abdullahi Ismail Saylici. Waxaanu madaxwayne ku xigeenku uu ku booriyay bulshadu in ay ka qayb qaataan sidii uu u sii furnaan lahaa dariiqaasi waxtarka u leh noloshu.

Qurba joogta soomaalida  ee ku kala baahsan caalamka oo dhami waxaa ay sanadkiiba soo xawilaan ilaa $ 1.3 billion.waxaana ay lacagtaasi ka badan tahay marka la isku wada daro dhamaanba lacagaha gargaarka aadminimada ah loo siiyo Somaliland iyo Somalia. Waaxda xawilaadaha lacagahu waxaa ay buuxiyeen kaalintii ay baananka ganacsigu ka qaadan lahaayeen in ay gargaarka aadminimo iyo iyo maal- gashiguba ay soo gaadhaan gudaha.ida lagu sheeggay warbixin ay soo fikradeeda lahaayeen  UN FAO, 48% ka mid ah dadka reer magaalka ah waxaa ay noloshoodu 80-100% ay ku xidhan tahay lacagaha loo soo xawilo,halka  33% ka mid ah dadka lacagaha loo soo diray ay ka sheegeen inaanay goyn kareen waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha sida ,cuntada,dawooyinka iyo lacagaha ay caruurahooda kaga bixiyaan dugsiyada waxbarashada haddii la joojiyo xawaaladaha.

Maxamed Diiriye, oo metelayay shariikadaha xawaaladaha ee Somaliland,ayaa soo bandhigay xeerar iyo habab ay ku balan-qaadeen shariikadaha xubnaha ka ah ururkoodu in ay raacayaan iyada oo ujeedadoodu ay tahay in ay sii wanaajiyaan wada shaqaynta iyo sidii ay xoog dheeraad ah u gelin lahaayeen in la sii wanaajiyo heerarka ay u shaqeeyaans.

Wasiirka qorshaynta qaranka iyo horumarinta  Dr. Sacad Shire Ayaa muujiyay in ay shariikadaha xawaaladaha lacagahu ay ka mid yihiin dhinacyada ugu waawayn ee shaqaaleeya dhalinyarada gobolka geeska Africa.Waxaana uu tilmaamay in  0.3% keliya oo ka mid ah lacagaha caalamka oo dhan la isaga kala xawilaa ay soo gaadhaan Somaliland iyo Somalia, lacagtaasi oo uu wasiirku sheeggay in ay tahay mid aad u yar marka loo eego tirade guud ee lacagaha caalamka ee la kala xawilo.Inkasta oo ay taasi jirto,dawlada Somaliland oo Baanka dhexe uu ka mid yahay waxaa ay muujiyeen sida wayn ee ay u donayaan in la sii wanaajiyo sharciyada u degsan xawilaada lacagaha iyo sidii loogga xisaabtami lahaa waaxdaasi muhiimada wayn leh.

Shirkaasi waxaa si rasi ah u soo xidhay wasiirka arimaha debeda, Mohamed Biixi Yoonis. Waxaanu sheegay inay doonayaan Habkii ay Somaliland ku Kasban lahayd horumarka ay doonayso.

Shirwaynahaasi waxaa  si wayn uga soo qayb galay wakiilo ka kala socday shariikadaha xawaaladaha,ururada dawliga ah iyo kuwa caalamiga ah oo ay ku jiraan Baanka aduunka, Oxfam, ADESO Iyo dhinacyo kale  oo badan oo ay arintani saamayso.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed