|

Erdogan Oo Noqday Madaxweynaha Turkiga Taariikh Cusubna Dhigay

Ankara:Aug,11,2014(SDN/QJ)-Recep Tayyip Erdogan oo Hore u ahaa Ra’isal wasaaraha Dalka Turkiga, ayaa Natiijooyinka Guddida Doorashooyinku muujiyeen inuu  noqday Madaxweynaha Dalkiisa.

degooErdogan ayaa doorashadii shalay  dhacday ka Helay Codad gaadhaya 52.3% tirada guud ee codadkii ay shacabka dalka Turkigu dhiibteen sida goor-dhow ay shaaciyeen guddiga doorashooyinka Turkiga.

Arrintan ayaa waxay ka dhigaysaa in Erdogan uu ku guuleystay doorashada, maadaama isaga iyo labada murashaxiinta la tartamaya uu guuleysan doono ruuxii hela 51%, guud ahaan codadka la dhiibto.

Sida lagu daabacay waregyska Today’s Zaman ayaa lagu sheegay inuu helay Ekmeleddin İhsanoğlu 38.95% codadkii la tiriyay, halka uu 9.53% uu helay ninka kale ee tartanka kula jiray Selahattin Demirtaş.

Taageerayaasha xisbiga AK ee uu hoggaamiyo Erdogan oo aad u fara badan ayaa xalay isugu soo baxay magaalooyinka waaweyn ee Turkiga, iyagoo u dabaal-dagaya guusha hordhaca ah ee uu gaadhay hoggaamiyahooda.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga oo kumannaan taageerayaashiisa ah kula hadlay magaalada Istanbuul ayaa u mahadceliyay dadkii codka siiyay, wuxuuna ku sheegay hadalkiisa inay u horseedeen guusha uu helay.

“Waxaan sii wadi doonaan howsha ay dalkeyga iyo dadkeyga u hayo, inta aan noolahay. Waxaan sii wadi doonaa barnaamijka dib u dajinta ah, ayuu ballanqaaday Erdogan

Sidoo kale, Erdogan wuxuu ballanqaaday inuu hirgelin doono riyadiisa ah in dalka Turkiga uu ka dhigo dal cusub, isagoo xusay inuu dhisi doono dowlad awood leh, uuna la dagaalami doono musuq-maasuqa, isagoo xusay inuu baadhitaana lagu sameyn doono cid walba oo ku lug yeelata, xitaa haddii ay ka tirsan yihiin qoyskiisa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed